Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFS Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa soo xiray shirweynaha sedaxaad ee culimada Soomaaliyeed oo sedaxdii maalmood ee lasoo dhaafay ka socday Magaaladda Muqdisho.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka oo khudbad ka jeediyey xiritaanka shirka ayaa marka hore u mahadceliyey culimada Soomaaliyeed ee ka qeyb galay shirkan maalmihii uu socday.
Mar uu ka hadlayey muhiimadda shirka uu u leeyahay dalka iyo dadka Soomaaliyeed ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxa uu sheegay in mar hore loo baahnaa in culimada Soomaallyeed ay isu yimaadaan, si khawaariijta baneysatay daadinta dhiiga umadda Soomaaliyeed ficiladooda guracan dadka loogu iftiimiyo loona ciribtiro.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa culimada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay tagaan meelaha laga xorreeyo khawaariijta si ay u wacyigeliyaan dadka deegaanadaasi ku nool, maadaama khawaariijta ay isku dayaan in ay dadka ka dhaadhiciyaan waxyaabo aan diinteena suuban iyo dhaqankeenaba sal ku laheyn.


