Guddoomiye Aadan Madoobe oo soo xiray Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFS Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa soo xiray shirweynaha sedaxaad ee culimada Soomaaliyeed oo sedaxdii maalmood ee lasoo dhaafay ka socday Magaaladda Muqdisho.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka oo khudbad ka jeediyey xiritaanka shirka ayaa marka hore u mahadceliyey culimada Soomaaliyeed ee ka qeyb galay shirkan maalmihii uu socday.

Mar uu ka hadlayey muhiimadda shirka uu u leeyahay dalka iyo dadka Soomaaliyeed ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxa uu sheegay in mar hore loo baahnaa in culimada Soomaallyeed ay isu yimaadaan, si khawaariijta baneysatay daadinta dhiiga umadda Soomaaliyeed ficiladooda guracan dadka loogu iftiimiyo loona ciribtiro.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa culimada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay tagaan meelaha laga xorreeyo khawaariijta si ay u wacyigeliyaan dadka deegaanadaasi ku nool, maadaama khawaariijta ay isku dayaan in ay dadka ka dhaadhiciyaan waxyaabo aan diinteena suuban iyo dhaqankeenaba sal ku laheyn.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 20 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Fiqi oo kulan la yeeshay saraakiil ciidan iyo Danjiraha Masar ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Aadan Madoobe oo la shiray saraakiisha ciidamada Qeybta 60-aad

Hoggaamiyaha maamulka Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)...

Golaha Mustaqbalka oo Dalabyo Caalami ah u Gudbiyay Beesha Caalamka iyo Q.M

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xubnaha mucaaradka ah...

ICG oo digniin culus ka soo saartay kala guurka Amni ee ku soo socda Soomaaliya iyo halista AUSSOM

Warbixin cusub oo ay soo saartay International Crisis Group...

MW Xasan Sheekh oo Kulan la qaatay Cali Guudlaawe

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan la...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles