Wednesday, January 14, 2026

Horjoogihii ugu weynaa degmada Jamaame iyo Ilaaladiisa oo la dilay

Ciidamada maamulka Jubbaland iyo Kumaandooska Danab ayaa xalay ka fuliyay Degmada Jamaame hawlgal qorshaysan oo lagu beegsanayay horjogayaal ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab, sida ay sheegtay Jubbaland.
Hawlgalka ayaa lagu khaarjiyay horjoogihii ugu weynaa ee deegaankaasi si weyn looga yaqaanay, kaasoo lagu magacaabi jiray Faarax Jibriil, iyo toddoba kale, kuwaas oo muddo dheer dhibaato iyo caddaadis ku hayay shacabka deegaanka.

Saraakiisha howlgalka hogaaminaya ayaa xaqiijiyay in hawlgalka uu si guul ah ku dhammaaday, isla markaana uu qeyb ka yahay qorshe ballaaran oo lagu xaqiijinayo xasilloonida Jamaame, nawaaxigeeda iyo guud ahaan Dowladda Jubbaland.
Waxaa socda hawlgallo kale oo qorshaysan oo lagu xaqiijinayo nabadda iyo amniga shacabka kaas lagu beegsanayo meel kasta oo ay ku dhuumaaleysanayeen Maleeshiyaadka Al-shabaab.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 01 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Lafta gareen iyo Safiirka Turkiga ee Soomaaliya?

Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa magaalada...

DFS oo ka hadashay ciidanka Danab ee ka tagay Puntland ee gaaray Laascaanood

Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay ciidanka...

Madaxweyne Firdhiye oo amar siiyay ciidanka Danab ee ka yimid Garoowe

Madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari Cabdiqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye)...

Axmed Madoobe oo eedeyn u jeediyay Madaxda DFS

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaamka (Axmed Madoobe), ayaa ka...

Wasiirka Arrimaha Turkiga oo maanta tagaya Imaaraadka Carabta iyo xiisada Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa maanta lagu...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles