Horjoogihii ugu weynaa degmada Jamaame iyo Ilaaladiisa oo la dilay

Ciidamada maamulka Jubbaland iyo Kumaandooska Danab ayaa xalay ka fuliyay Degmada Jamaame hawlgal qorshaysan oo lagu beegsanayay horjogayaal ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab, sida ay sheegtay Jubbaland.
Hawlgalka ayaa lagu khaarjiyay horjoogihii ugu weynaa ee deegaankaasi si weyn looga yaqaanay, kaasoo lagu magacaabi jiray Faarax Jibriil, iyo toddoba kale, kuwaas oo muddo dheer dhibaato iyo caddaadis ku hayay shacabka deegaanka.

Saraakiisha howlgalka hogaaminaya ayaa xaqiijiyay in hawlgalka uu si guul ah ku dhammaaday, isla markaana uu qeyb ka yahay qorshe ballaaran oo lagu xaqiijinayo xasilloonida Jamaame, nawaaxigeeda iyo guud ahaan Dowladda Jubbaland.
Waxaa socda hawlgallo kale oo qorshaysan oo lagu xaqiijinayo nabadda iyo amniga shacabka kaas lagu beegsanayo meel kasta oo ay ku dhuumaaleysanayeen Maleeshiyaadka Al-shabaab.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo dib u furtay Garoonka Doolow kadib labo sano oo xirnaa

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dib u furtay Garoonka Diyaaradaha...

Laftagareen oo beeniyay xiriir uu la leeyahay Al-Shabaab

Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan...

Xubin ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku soo dhiibay ciidanka KGS ee Baydhabo

Maxamed Isaaq Arbo, oo sida lagu sheegay war kasoo...

Iiraan oo si adag uga hadashay qorshaha qaarijinta wiilka Trump

Mohsen Rezaei, oo ah Xoghayaha Golaha Sare ee Amniga...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles