Wiil Soomaali oo ku guuleystay doorasho ka dhacday Mareykanka oo lagu eedeeyay xatooyo Hub

Wiil Soomaali ah oo dhawaan ku guuleystay doorashada golaha deegaanka ee magaalada Lewiston, gobolka Maine, ayaa lagu soo eedeeyay xatooyo hub, sida uu baahiyay wargeyska Sun Journal.

Iman Osman, oo 36 jir ah, isla markaana ah xubin hore uga tirsanaa Guddiga Dugsiyada Lewiston iyo sidoo kale golaha deegaanka ee Ward 5, ayaa Isniintii lagu soo oogay laba dacwadood—mid ku saabsan helista hanti la xaday iyo mid ku saabsan xatooyo aan la oggolayn.

Wargeyska Sun Journal, oo soo xigtay waraaqaha maxkamadda, wuxuu sheegay in eedeymaha ka dhanka ahi ay ka soo ifbaxeen dhacdo la sheegay in lagu xaday laba qori, kuwaas oo dhacdadu u dhaxeysay 15-kii November 2023 ilaa 11-kii October 2024.

Sidoo kale, Sun Journal ayaa sheegay in Osman uu horey ugu jiray baaritaan dadweyne oo ku saabsan ciwaanka sharci ee uu ku sheegay inuu degan yahay  210 Blake Street.

Arrintan ayaa dood ka dhalisay, isla markaana ay qaar ka mid ah dadka deegaanka ku doodeen in ay keeni karto inuusan u qalmin kursiga Ward 5. Isla ciwaankaas ayaa lagu qoray dacwadda hadda la soo oogay.

Arrintan ayaa dhalisay hadal-hayn weyn oo ku saabsan xaaladdiisa sharci iyo mustaqbalkiisa xilka cusub ee golaha deegaanka, iyadoo la sugayo natiijada maxkamadda oo ka qeyb qaadan doonta go’aaminta sii haynta xilkiisa.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Dowladda Shiinaha oo ugu baaqday Israa’iil in ay joojiso arrin ay ka wado gudaha Gaza

Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha Wang Yi ayaa ugu baaqay...

Mudanayaasha Aqalka Sare oo ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Saadaasha Hawada

Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ee BJFS oo maanta cod...

Trump oo sheegay inay dhagaystaan wadahadalada madaxda Iran

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu awood...

Lugatoor oo ku baaqay in laga hortago doorashada ay ku dhawaaqday DFS

Madaxda sare ee Puntland ayaa ku baaqday in si...

Lafta gareen oo war ka soo saaray deegaanada ay qabsadeen ciidankiisa taageersan

Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles