Tuesday, January 13, 2026

Wiil Soomaali oo ku guuleystay doorasho ka dhacday Mareykanka oo lagu eedeeyay xatooyo Hub

Wiil Soomaali ah oo dhawaan ku guuleystay doorashada golaha deegaanka ee magaalada Lewiston, gobolka Maine, ayaa lagu soo eedeeyay xatooyo hub, sida uu baahiyay wargeyska Sun Journal.

Iman Osman, oo 36 jir ah, isla markaana ah xubin hore uga tirsanaa Guddiga Dugsiyada Lewiston iyo sidoo kale golaha deegaanka ee Ward 5, ayaa Isniintii lagu soo oogay laba dacwadood—mid ku saabsan helista hanti la xaday iyo mid ku saabsan xatooyo aan la oggolayn.

Wargeyska Sun Journal, oo soo xigtay waraaqaha maxkamadda, wuxuu sheegay in eedeymaha ka dhanka ahi ay ka soo ifbaxeen dhacdo la sheegay in lagu xaday laba qori, kuwaas oo dhacdadu u dhaxeysay 15-kii November 2023 ilaa 11-kii October 2024.

Sidoo kale, Sun Journal ayaa sheegay in Osman uu horey ugu jiray baaritaan dadweyne oo ku saabsan ciwaanka sharci ee uu ku sheegay inuu degan yahay  210 Blake Street.

Arrintan ayaa dood ka dhalisay, isla markaana ay qaar ka mid ah dadka deegaanka ku doodeen in ay keeni karto inuusan u qalmin kursiga Ward 5. Isla ciwaankaas ayaa lagu qoray dacwadda hadda la soo oogay.

Arrintan ayaa dhalisay hadal-hayn weyn oo ku saabsan xaaladdiisa sharci iyo mustaqbalkiisa xilka cusub ee golaha deegaanka, iyadoo la sugayo natiijada maxkamadda oo ka qeyb qaadan doonta go’aaminta sii haynta xilkiisa.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 13 01 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Wafdi Sare oo ka Socda Dowladda Federaalka oo gaaray Laascaanood, Caasimadda Dowlad-Goboleedka Waqooyi-Bari

Wafdi heer wasiir ah oo ka socda Dowladda Federaalka...

DFS oo sheegtay in xubno ka tirsanaa Al-shabaab lagu dilay G/Sh/Dhexe

Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay...

Galmudug oo soo saartay amar lagu xakameynayo hubka

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Maamulka Galmudug ayaa soo saartay...

Jubbaland oo diiday talaabada ay DFS ka qaadatay Imaaraadka Carabta

Dowlad-goboleedka Jubaland ayaa si cad uga hor yimid go’aanka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles