Wednesday, January 14, 2026

DFS oo shaacisay in cudurka Gowracatada ay u geeriyoodeen in ka badan 50 carruur ah

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in cudurka halista ah ee Gowracatada uu saamayn culus ku yeeshay carruur badan oo ku nool caasimadda Muqdisho, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada.

Sida ku cad qoraalka rasmiga ah, in ka badan 1,000 carruur ah ayaa la xaqiijiyay in uu cudurkani haleelay, halka ka badan 50 carruur ah ay u geeriyoodeen, taas oo sare u qaaday baqdinta iyo walbahaarka bulshada ku nool gobolka Banaadir.

Dowladda ayaa tilmaamtay in cudurkaan uu aad ugu badan yahay carruurta u dhexeysa 5 sano ilaa 15 sano, kuwaas oo hadda ugu muuqda kuwa ugu nugul cudurka sidoo kalena u baahan daryeel degdeg ah.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa digniin culus u dirtay waalidiinta, iyagoo uga digay khatarta cudurkan oo halis weyn ku haya carruurta, ayna muhiim tahay in si degdeg ah loola xiriiro xarumaha caafimaadka haddii ay arkaan calaamado muujinaya cudurka Gowracatada.

Sidoo kale Wasaaraddu waxay ku boorisay waalidiinta inay carruurtooda geeyaan goobaha tallaalka, maadaama ololaha ka hortagga cudurkan lagu wado in uu si rasmi ah uga bilowdo Muqdisho maalmaha soo socda.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 13 01 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Wafdi Sare oo ka Socda Dowladda Federaalka oo gaaray Laascaanood, Caasimadda Dowlad-Goboleedka Waqooyi-Bari

Wafdi heer wasiir ah oo ka socda Dowladda Federaalka...

DFS oo sheegtay in xubno ka tirsanaa Al-shabaab lagu dilay G/Sh/Dhexe

Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay...

Galmudug oo soo saartay amar lagu xakameynayo hubka

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Maamulka Galmudug ayaa soo saartay...

Jubbaland oo diiday talaabada ay DFS ka qaadatay Imaaraadka Carabta

Dowlad-goboleedka Jubaland ayaa si cad uga hor yimid go’aanka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles