DFS oo shaacisay in cudurka Gowracatada ay u geeriyoodeen in ka badan 50 carruur ah

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in cudurka halista ah ee Gowracatada uu saamayn culus ku yeeshay carruur badan oo ku nool caasimadda Muqdisho, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada.

Sida ku cad qoraalka rasmiga ah, in ka badan 1,000 carruur ah ayaa la xaqiijiyay in uu cudurkani haleelay, halka ka badan 50 carruur ah ay u geeriyoodeen, taas oo sare u qaaday baqdinta iyo walbahaarka bulshada ku nool gobolka Banaadir.

Dowladda ayaa tilmaamtay in cudurkaan uu aad ugu badan yahay carruurta u dhexeysa 5 sano ilaa 15 sano, kuwaas oo hadda ugu muuqda kuwa ugu nugul cudurka sidoo kalena u baahan daryeel degdeg ah.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa digniin culus u dirtay waalidiinta, iyagoo uga digay khatarta cudurkan oo halis weyn ku haya carruurta, ayna muhiim tahay in si degdeg ah loola xiriiro xarumaha caafimaadka haddii ay arkaan calaamado muujinaya cudurka Gowracatada.

Sidoo kale Wasaaraddu waxay ku boorisay waalidiinta inay carruurtooda geeyaan goobaha tallaalka, maadaama ololaha ka hortagga cudurkan lagu wado in uu si rasmi ah uga bilowdo Muqdisho maalmaha soo socda.

WARARKII KALE

RW Xamsa oo la kulmau Safiirka Cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

Xamsa oo xil u magacaabay ninkii la tartamay Guddoomiye Jaamac

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa Cabdiqaadir Cumar...

GALMUDUG:-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo labadiisa ku-xigeen oo lagu doortay Dhuusamareeb

Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha...

DFS iyo KGS oo diyaarinaya guluf ciidan oo ka dhan ah xoogagga Lafta-gareen

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaa la...

Soomaaliya iyo dalal kale oo cambaareeyay tallaabo ay qaaday Colombia

Soomaaliya iyo 18 dal oo kale ayaa si wadajir...

Maraykanka oo war ka soo saaray marinka Hormuz

Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in “inta ugu badan” weerarrada...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles