Wararkii u dambeeyay ee Kismaayo iyo madaxda badan oo tagay

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa buux dhaafiyay madax iyo mas’uuliyiin kala duwan, kuwaas oo ka qeyb galaya shir muhiim ah oo halkaas ka furmaya

Sidoo kale, Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Khayre, ayaa iyaguna gaaray magaalada Kismaayo, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyay, waxaana soo dhawayntooda hoggaaminayay Madaxweynaha Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), iyo mas’uuliyiin kale.

Waxaa siidoo kale magaalada Kismaayo gaaray  in Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Sidoo kale wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa isna tagay magaalada Kismaayo.

Madaxweynihii 7-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa isna la filayaa inuu berri gaaro magaalada Kismaayo.

Waxaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo uu ka furmo shir soconaya muddo saddex cisho ah, kaas oo diiradda lagu saari doono xaaladda kala-guurka siyaasadeed ee dalka, xilli ay Dowladda Federaalka Soomaaliya waddo qorshayaal ku aaddan hirgelinta doorashooyin toos ah, kuwaas oo ay si cad uga soo horjeedaan dhinacyada shirka isugu imanaya.

Sidoo kale, shirka waxaa si gaar ah diiradda loogu saari doonaa doorashada hoggaanka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, oo ay ku mideysan yihiin maamulada Jubbaland, Puntland, iyo Madasha Samatabixinta Qaranka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Markab shidaal oo marayay Hormuz ayaa la weeraray

Ururka arrimaha badaha ee UK ee loo ayqaan UKMTO...

Fiqi oo la kulmay wafdi ka socda saraakiil Turkiga ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Puntland oo qabatay gaadiid iyo ciidan ka tirsan DF oo galay waqooyiga Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa saaka kantaroolka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo...

KGS oo mamnuucay soo gelinta iyo ka ganacsiga qaadka sharci-darrada ah ee Baydhabo

Maamulka Koofur Galbeed ayaa soo saaray go’aan lagu mamnuucayo...

Maamulka Puntland oo bilaabay laba howlgal oo ka socda buuraha Calmadow iyo xeebaha

Maamulka Puntland ayaa bilaabay laba howlgal oo dhinacyada dhulka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles