Sunday, December 21, 2025

Wararkii u dambeeyay ee Kismaayo iyo madaxda badan oo tagay

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa buux dhaafiyay madax iyo mas’uuliyiin kala duwan, kuwaas oo ka qeyb galaya shir muhiim ah oo halkaas ka furmaya

Sidoo kale, Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Khayre, ayaa iyaguna gaaray magaalada Kismaayo, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyay, waxaana soo dhawayntooda hoggaaminayay Madaxweynaha Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), iyo mas’uuliyiin kale.

Waxaa siidoo kale magaalada Kismaayo gaaray  in Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Sidoo kale wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa isna tagay magaalada Kismaayo.

Madaxweynihii 7-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa isna la filayaa inuu berri gaaro magaalada Kismaayo.

Waxaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo uu ka furmo shir soconaya muddo saddex cisho ah, kaas oo diiradda lagu saari doono xaaladda kala-guurka siyaasadeed ee dalka, xilli ay Dowladda Federaalka Soomaaliya waddo qorshayaal ku aaddan hirgelinta doorashooyin toos ah, kuwaas oo ay si cad uga soo horjeedaan dhinacyada shirka isugu imanaya.

Sidoo kale, shirka waxaa si gaar ah diiradda loogu saari doonaa doorashada hoggaanka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, oo ay ku mideysan yihiin maamulada Jubbaland, Puntland, iyo Madasha Samatabixinta Qaranka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 20 12 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Mucaaradka oo ku dhawaaqay dowlad kale inay dhisayaan haddii MW Xasan Sheekh uu wadahadalo furi waayo bil gudaheed

War saxaafadeed ayaa laga soo saaray shirka Golaha mustaqbalka...

DFS oo hakisay waxbarashada sabab la xiriirta doorashooyinka

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay Shirka ka socda Kismaayo

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si faahfaahsan uga...

Wararkii ugu dambeeyay shirka ka socda Kismaayo

Shirka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa galay maalintii saddexaad, iyadoo...

Xuska 82 sano guuradii ka soo wareegatay as aaska ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo maanta lagu qabanayo Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles