Tuesday, July 14, 2026

Shirka Mucaaradka oo maanta ka furmaya Kismaayo

Shirka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa maanta waxaa uu ka furmayaa Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta la filayaa inuu gaaro Magaalada Kismaayo.

Ammaanka magaalada Kismaayo ayaa saaka aad loo adkeeyay, iyadoo wadooyinka lagu daadiyay ciidamada ammaanka.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa buux dhaafiyay madax iyo mas’uuliyiin kala duwan, kuwaas oo ka qeyb galaya shir muhiim ah oo halkaas ka furmaya

Waxaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo uu ka furmo shir soconaya muddo saddex cisho ah, kaas oo diiradda lagu saari doono xaaladda kala-guurka siyaasadeed ee dalka, xilli ay Dowladda Federaalka Soomaaliya waddo qorshayaal ku aaddan hirgelinta doorashooyin toos ah, kuwaas oo ay si cad uga soo horjeedaan dhinacyada shirka isugu imanaya.

Sidoo kale, shirka waxaa si gaar ah diiradda loogu saari doonaa doorashada hoggaanka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, oo ay ku mideysan yihiin maamulada Jubbaland, Puntland, iyo Madasha Samatabixinta Qaranka.

WARARKII KALE

Sarkaalkii Keydka Hubka iyo xubno kale oo ka tirsanaa AS oo lagu dilay Hirshabelle

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa sheegtay in...

Iran oo ku dhawaaqay weerar ay ku qaaday saldhigga Mareykanka ee Bahrain

Subaxnimadii Talaadada, Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 13 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Isbahaysi uu hoggaaminayo Sacuudiga oo ku dhawaaqay inay qabteen gantaalada ballistic-ga ah oo Xuutiyiinta ays oo rideen

Afhayeenka rasmiga ah ee ciidamada isbahaysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga...

Ciidamada Yemen oo weeraray garoonka Sanca si ay uga hortagaan diyaarad Iran leedahay

Wararka ka imanaya Yemen ayaa sheegaya in qaraxyo ay...

Kenya oo weerar sirdoon ku dishay xubno ka tirsan Al-shabaab,lana Burburiyay Xero qarsoodi oo ku taala Mandheera

Ugu yaraan 11 maleeshiyaad oo ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles