Saturday, May 30, 2026

Laftagareen” Waxaan go’aansanay in dabaal dega KGS loo badelo gurmadka abaaraha”

Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa shaaciyey in Maamulka Koofur Galbeed uu go’aansaday in munaasabaddii dabaal-degga sanad-guurada loo beddelo gurmad gargaar bani’aadamnimo, kadib markii la arkay baaxadda dhibaatada abaarta ka jirta deegaannada kala duwan ee Koofur Galbeed.

Madaxweynaha ayaa sheegay in abaartu ay saameyn xooggan ku yeelatay nolosha dadka iyo xoolaha, isla markaana ay waajib ku tahay hoggaanka iyo bulshada inteeda kale in mudnaanta la siiyo badbaadinta nolosha shacabka ay dhibaatadu saameysay.

“Markaan aragnay dhibaatada abaarta ka jirta deegaannada Koofur Galbeed, waxaan go’aansanay in aan munaasabaddii sanad-guurada u beddelno gurmad gargaar oo aan ku gaarsiinno dadka ay abaartu saameysay,” ayuu yiri Madaxweyne Laftagareen.

Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa ugu baaqay hay’adaha samafalka, ganacsatada, qurba-joogta iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed inay ka qeyb qaataan gurmadka degdegga ah, si loo yareeyo saameynta abaarta iyo dhibaatooyinka ay ku hayso bulshada nugul.

Madaxweynaha ayaa xaqiijiyey in Maamulka Koofur Galbeed uu ka go’an tahay garab istaagga dadka danyarta ah, isla markaana uu sii wadi doono dadaallada lagu badbaadinayo nolosha iyo nolol-maalmeedka shacabka ku nool deegaannada ay abaartu saameysay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 29 05 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS oo Maka kula kulmay Dhaxal Sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

Duqeymo culus oo lagu Beegsaday goobo ay Al-Shabaab ku lahaayeen Jubbada dhexe iyo Shabeellaha Hoose

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeymo culus oo...

Aadan Madoobe oo si adag ugu Jawaabay Lafta gareen

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ahna Musharaxa...

Iiraan iyo Mareykanka oo gaaray heshiis lagu kordhinayo xabbad-joojinta

Mareykanka iyo Iiraan ayaa Khamiistii gaaray heshiis lagu kordhinayo...

Netanyahu oo ciidamada Israa’iil ku amray inay kordhiyaan gacan-ku-haynta Qasa ilaa 70%

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay inuu ciidamada...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles