Thursday, December 25, 2025

DFS oo ku dhawaaqday in khamiista la xirayo garoonka diyaaradaha ee Muqdisho

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa soo saartay qoraal rasmi ah oo lagu shaaciyay in si buuxda loo xirayo Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho maalinta Khamiista, oo ku beegan 25-ka December.

Hay’addu waxay sheegtay in hakinta shaqada garoonka ay la xiriirto doorashada la filayo in ay ka dhacdo magaalada Muqdisho maalintaas, taas oo u baahan diyaar-garow amni iyo maamul oo gaar ah.

Warqad rasmi ah oo arrintan la xiriirta ayaa loo diray dhammaan shirkadaha diyaaradaha iyo shirkadaha ka shaqeeya iibinta tikidhada, si ay ula socodsiiyaan rakaabka una qaataan tallaabooyinka ku habboon.

Dhanka kale, Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa horey u soo saartay go’aan la mid ah, kaasi oo lagu hakiyay dhamaan dugsiyada waxbarashada dalka maalinta Khamiista, sababo la xiriira isla doorashadaas.

Sidoo kale, Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in maalinta Khamiista la xiri doono wadooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho, iyadoo la adkeyn doono amniga guud ee caasimadda.

Mas’uuliyiinta ayaa ugu baaqay shacabka in ay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka, islamarkaana ay qaataan wacyigelin ku saabsan isbeddellada ku-meelgaarka ah ee la xiriira isu-socodka iyo adeegyada maalintaas.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 12 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay ahmiyadda doorashada golaha deegaanka gobolka Banaadir

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasaaradda arrimaha gudaha oo bogaadisay doorashada golaha deegaanka gobolka Banaadir

War-saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee ku...

Booliska oo soo bandhigay ciidamadii sugi lahaa doorashada

Booliska Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigay ciidamo tiro badan...

Kenya oo ka hadashay dil Gaarisa loo geystay muwaadin Soomaaliyeed

Taliyaha Booliiska Ismaamulka Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya...

Booliska Soomaaliya oo gacanta ku soo dhigay askari ka tirsan Ciidanka DF

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan Saldhiga Dharkenley, ayaa gacanta...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles