Tuesday, July 14, 2026

Trump oo xilalka safiirnimo ka qaaday ku dhawaad 30 dublamaasiyiin ah oo uu jiro safiirka Soomaaliya

Maamulka Trump ayaa dib ugu yeeraya ku dhawaad ​​30 dublamaasiyiina oo ka kala socday safiirada iyo jagooyinka kale ee safaaradaha tallaabo dib loogu qaabeeynayo diblumaasiyada Mareykanka ee dibadda iyada oo mudnaanta la siinayo howl wadeenada in ay si buuxda u taageerayaan mudnaanta “America First” ee Madaxweyne Donald Trump.

Sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, madaxda safaaradaha ee ugu yaraan 29 dal ayaa toddobaadkii hore lagu wargeliyay in xilalkooda ay dhammaanayaan bisha Janaayo ee soo socota. Diblamaasiyiintan ayaa dhammaantood xilalka la wareegay xilligii madaxweyne Joe Biden.

Qaaradda Afrika ayaa ah tan ugu saameynta badan, iyadoo safiirro laga qaaday 13 dal, oo ay ka mid tahay Soomaaliya, Nigeria, Niger, Rwanda, Senegal, Uganda iyo dalal kale.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa difaacday tallaabadan, iyadoo sheegtay in safiirku yahay wakiil gaar ah oo madaxweynaha matala, isla markaana uu madaxweynuhu xaq u leeyahay inuu doorto shaqsiyaad si buuxda u taageeraya siyaasaddiisa.

Inkasta oo safiirrada xilka laga qaaday aysan luminayn shaqadooda guud ee dublamaasiyadeed, haddana waxaa lagu wargeliyay inay ku laaban karaan Washington si ay xilal kale uga qabtaan, haddii ay doortaan.

Go’aankan ayaa walaac ka abuuray qaar ka mid ah Mareykanka iyo ururka metela diblomaasiyiinta, kuwaas oo ka digay in isbeddelladan degdegga ah ay saameyn ku yeelan karaan xiriirka Mareykanka iyo dalalka ay khuseyso oo ay Soomaaliya ka mid tahay.

WARARKII KALE

DF oo sheegtay in xalay G/Hiiran lagu dilay xubno ka tirsanaa Al-shabaab

Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay diyaarado dagaal...

DFS iyo Laba Garab oo Mucaaradka ka mid ah oo isku raacay Doorasho Toos ah

Wada-hadallada siyaasadeed ee ka socda magaalada Muqdisho ayaa muujinaya...

Sarkaalkii Keydka Hubka iyo xubno kale oo ka tirsanaa AS oo lagu dilay Hirshabelle

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa sheegtay in...

Iran oo ku dhawaaqay weerar ay ku qaaday saldhigga Mareykanka ee Bahrain

Subaxnimadii Talaadada, Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 13 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Isbahaysi uu hoggaaminayo Sacuudiga oo ku dhawaaqay inay qabteen gantaalada ballistic-ga ah oo Xuutiyiinta ays oo rideen

Afhayeenka rasmiga ah ee ciidamada isbahaysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles