Maamulka Trump ayaa dib ugu yeeraya ku dhawaad 30 dublamaasiyiina oo ka kala socday safiirada iyo jagooyinka kale ee safaaradaha tallaabo dib loogu qaabeeynayo diblumaasiyada Mareykanka ee dibadda iyada oo mudnaanta la siinayo howl wadeenada in ay si buuxda u taageerayaan mudnaanta “America First” ee Madaxweyne Donald Trump.
Sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, madaxda safaaradaha ee ugu yaraan 29 dal ayaa toddobaadkii hore lagu wargeliyay in xilalkooda ay dhammaanayaan bisha Janaayo ee soo socota. Diblamaasiyiintan ayaa dhammaantood xilalka la wareegay xilligii madaxweyne Joe Biden.
Qaaradda Afrika ayaa ah tan ugu saameynta badan, iyadoo safiirro laga qaaday 13 dal, oo ay ka mid tahay Soomaaliya, Nigeria, Niger, Rwanda, Senegal, Uganda iyo dalal kale.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa difaacday tallaabadan, iyadoo sheegtay in safiirku yahay wakiil gaar ah oo madaxweynaha matala, isla markaana uu madaxweynuhu xaq u leeyahay inuu doorto shaqsiyaad si buuxda u taageeraya siyaasaddiisa.
Inkasta oo safiirrada xilka laga qaaday aysan luminayn shaqadooda guud ee dublamaasiyadeed, haddana waxaa lagu wargeliyay inay ku laaban karaan Washington si ay xilal kale uga qabtaan, haddii ay doortaan.
Go’aankan ayaa walaac ka abuuray qaar ka mid ah Mareykanka iyo ururka metela diblomaasiyiinta, kuwaas oo ka digay in isbeddelladan degdegga ah ay saameyn ku yeelan karaan xiriirka Mareykanka iyo dalalka ay khuseyso oo ay Soomaaliya ka mid tahay.


