Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan Booliska Caasimadda, Saldhigga Bartamaha, ayaa gacanta ku dhigay 11 eedaysane oo askar ah, kuwaas oo lagu soo qabtay iyagoo si sharci-darro ah ugu hubaysan bartamaha caasimadda.
Sida lagu sheegay qoraalka ka soo baxay Booliska Eedaysanayaashan ayaa baalmaray awaamiirta hay’adaha amniga ee farayay in aan lagu arki karin caasimadda askari aan shaqo ku jirin oo si iskiis ah hub ula dhex socda magaalada.
11-ka eedaysane waxay haatan ku jiraan gacanta Booliska, waxaana loo gudbin doonaa maxkamadda ay khusayso.


