Tuesday, May 26, 2026

Farmaajo oo ka digay muddo kororsi, doorasho hal dhinac ah iyo eedeyn uu jeediyay MW Xasan Sheekh

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa qoraal uu soo saaray kaga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, isaga oo si gaar ah diiradda u saaray arrimaha doorashooyinka, wax ka beddelka dastuurka iyo xaaladda guud ee amniga.

Farmaajo ayaa si cad u sheegay in uu ka soo horjeedo isla markaana ka digayo muddo kororsi aan sharciyad haysan oo loo sameeyo hay’adaha Dowladda Federaalka, doorasho hal dhinac ah iyo in dalka lagu hoggaamiyo xaalad keeni karta in la iska garab dhiso laba dowladood oo labo dastuur kala wata.

Madaxweynihii hore ayaa ugu baaqay hoggaanka talada haya in ay ka laabtaan wax ka beddelka dastuurka, islamarkaana ay oggolaadaan in arrimaha masiiriga ah loo maro waddo sharci ah oo ay ku mideysan yihiin dhammaan dhinacyada kala duwan ee Soomaalida. Waxa uu carrabka ku adkeeyay in wadada kaliya ee lagu xallin karo khilaafaadka taagan ay tahay wadahadal iyo is-qancin, isaga oo sheegay in uu soo dhoweynayo cid kasta oo dadaal u gelineysa xal u helidda ismari-waaga jira.

Farmaajo ayaa ka hadlay xaaladda Ciidanka Xoogga Dalka, isaga oo sheegay in ciidanka lagu geliyay dagaallo aan lahayn qorshe iyo istaraatiijiyad cad, taas oo uu tilmaamay in ay sababtay burbur ku yimid awoodda ciidanka iyo in kooxaha argagixisadu dib u qabsadaan deegaanno horey dhiig badan loogu huray xoreyntooda.

“Waxaan aad uga xumahay burburkii ku yimid Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo lagu geliyay dagaallo aan qorshe iyo istaraatiijiyad laga fiirsan, taasoo keentay in argagixisadu sii xoogeysato. Waxaa sidoo kale niyad jab iyo habacsanaan ku reebay ciidanka eexda iyo caddaalad darrada ka dhalatay siyaasadda qorista iyo dalacsiinta,” ayuu yiri Farmaajo.

Madaxweynihii hore ayaa ugu baaqay madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad-goboleedyada in ay si wadajir ah ugu istaagaan gurmad degdeg ah oo wax looga qabanayo abaaraha ku dhuftay qeybo ka mid ah dalka, kuwaas oo saameyn ba’an ku yeeshay nolosha dadka Soomaaliyeed.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 05 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

MW Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Bulshada Rayidka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay...

Falcelin xooggan oo ka dhashay kulamada uu Muqdisho ka wado Xasan Sheekh

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si adag u dhaliilay...

Booliska Waqooyi bari oo qabtay rag loo haysto Kursi ka dhacay Laascaanood

Ciidamada Booliiska Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa shaaciyay...

NISA Oo sheegtay in la Burburiyay Fariisimo Al-Shabaab ku Lahaayeen Hiiraan

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa sheegtay inay...

Trump oo sheegay inaan lagu deg degin heshiiska lala galayo Iran

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa faray dhexdhexaadiyayaasha “in aan...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles