Friday, December 26, 2025

Mareykanka oo Nigeria ku weeraray xubno ka tirsan Daacish

Madaxweynaha Dalka Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in weerar xagga cirka ah lagu qaaday kooxaha Daacish ee ku sugan waqooyi-galbeed Dalka Nigeria.

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo mas’uul ka ah howlgallada Afrika ayaa sheegay in weerarka cirka lagu dilay tiro badan oo Daacish ah,kadib markii ay tilmaameen in uu codsi uga yimid madaxda Dalka Nigeria.

“Aad ayaan ugu mahadcelinayaa taageerada iyo iskaashiga dowladda Nigeria”, ayuu yiri Xoghayaha Difaaca Mareykanka Pete Hegseth

Duqeyntaan oo ka dhacday Magaalada Sobota ee Gobolka Sokota ayaa dabasocota amar ka yimid Madaxweynaha Mareykanka,kaas oo tilmaamaya in la bilaabo duqeyn ka dhan ah Daacishta ku sugan Dalka Nigeria oo cadaadis ba’an ku haya dadka Masiixiyiin ah ee ku dhaqan dalkaasi.

WARARKII KALE

Turkiga, Masar iyo Jabuuti oo ka horyimid aqoonsiga Somaliland ay ka heshay Israa’iil

Turkiga, Masar iyo Jabuuti ayaa noqday dalalkii u horreeyay...

Israa’iil oo shaacisay inay aqoonsatay Somaliland

War ka soo baxay maamulka Somaliland ayaa lagu sheegay...

Fahad Yaasiin oo fariin digniin u diray MW Cirro

Fahad Yaasiin, Agaasimihii hore ee Ha’ayada Nabadsugida iyo Sirdoonka...

Dagaal culus oo ka dhacay deegaano ka tirsan G/Shabeelada Dhexe

Dagaalka culus ayaa maanta waxaa uu ka dhacay deegaanada...

Baarlamaanka Carabta oo taageeray doorashada ka dhacday Muqdisho

Guddoomiyuhu wuxuu doorashooyinkan ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo...

AUSSOM oo war ka soo saartay doorashada Golaha deegaanka ee ka dhacday Muqdisho

Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM)...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles