Tuesday, July 14, 2026

Aqoonsi Caalami ah sidaa uma fududa:-Calanka Towxiidka Ixtiraama, kuwa Yahuudda u Ordayoow

Waxaan maanta wajahaynaa isku day qaawan oo si toos ah loogu weeraray jiritaanka dalkeenna, midnimadeenna, iyo sharafkeenna qaran. Dowladda gumeysiga ku dhisan ee Yahuudda Israel ayaa ku dhawaaqday tallaabo aan sharci, anshax, iyo caqli midna ku dhisneyn, iyada oo sheegtay inay dal madaxbannaan u aqoonsatay gobollada Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya.

Yahuudda Israel dan kama laha nabadda, horumarka, ama danta dadka ku nool gobolladaas. Waxa ay raadineysaa saldhigyo ciidan oo ay uga adeegato dagaallo ay kula jirto cadowgeeda gobolka. Waxay raadineysaa meel ay ku daadiso masiibo ay iyadu abuurtay oo ah shacabka Falastiin ee la dhibaateeyay. Waxa kale oo ay rabtaa inay wiiqdo saameynta dalalka si dhab ah u garab taagan amniga iyo horumarka dalkeenna, gaar ahaan Turkiga oo door muuqda ka ciyaaray difaaca, dhaqaalaha, iyo dib u dhiska.

Dhanka kale, arrintan waxaa gadaal ka riixaya dalal deris ah oo dano gaar ah leh iyo qaar Carbeed oo aan waligood qarin rabitaankooda ah in Soomaaliya la kala qaybiyo, oo waligeed ay noqon dal shidaal soo saara, isla markaana aan gaarin nabad waarta iyo isku filnaansho.

Waxaa la xasuustaa in bilihii la soo dhaafay, madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu si joogto ah u waday hadallo liidid ah, been abuur ah, kana dhan ah sumcadda dalkeenna. Dad badan waxay hadda dareemayaan in hadalladaas ay ahaayeen gogol xaar siyaasadeed oo loo sameynayay tallaabadan uu Netanyahu qaaday. Inkastoo Trump maanta sheegayo inuusan aqoonsaneyn Somaliland, isla markaana uusan la qabin Israel go’aankaas, haddana shakigaas wuu taagan yahay. Siyaasadda caalamiga ah si kama ah waxba kuma dhacaan.

Taariikhda dunida waxay si cad u muujineysaa in gobollada gooni isu taaga aysan badanaa helin aqoonsi caalami ah xitaa marka ay helaan taageero dalal gaar gaar ah. Kaliya saddex dal oo gooni u goosad ah ayaa ku guuleystay xubinnimada Qaramada Midoobay, waxaana arrintaas ka horreeyay halgan dheer, dagaallo lagu hoobtay, wada hadal, iyo afti dadweyne oo ay oggolaadeen dalalkii ay ka tirsanaayeen.

Shuruucda caalamiga ah si cad ayay u diidan yihiin kala jaridda dalalka madaxabannaan. Dalalka waaweyn ee maanta dunida hogaanka u haya iyaguba waxay la tacaalayaan gobollo madax bannaani doon ah, mana oggola in midkoodna aqoonsi helo. Sidaas darteed, aqoonsi deg deg ah ama mid wadareed ma heli doonaan maamulka Somaliland, mana aha dhaqan caalami ah.

Dowladda Dhexe waa inay si deg deg ah u kicisaa olole diblomaasiyadeed oo adag. Waa inay arrintan la aaddaa Qaramada Midoobay iyo ururrada caalamiga ah ee aan xubinta ka nahay, iyada oo la imaaneysa dood sharciyeed oo adag.

Waa inay xoojisaa midnimada gudaha, joojisaa marin habaabinta shacabka, isla markaana joojisaa tallaabooyinka dadka sii kala fogeynaya ee muddooyinkan dambe ku howlaneyd. Sidoo kale waa inay sii adkeyso xiriirka saaxiibada caalamiga ah ee mar walba garab taagnaa dalka.

Maamulka iyo shacabka walaalaheen ee gobollada Waqooyi Galbeed, marka hore calankiinna TOWXIIDKA ku qoran yahay ka xishooda, marka xigta ha oggolaanina in la idin isticmaalo. Nabadda aad haysataan ha ku qamaarina. Ha noqonina garoon lagu fuliyo dagaallo wakaaladeed (proxy wars) ay waddaan Yahuudda Israel iyo xulafadeeda.

Aqoonsigan been abuurka ah idinma siinayo sharaf, aqoonsi caalami ah, ama mustaqbal sugan. Waxa uu idin gelinayaa go’doon, colaad, iyo isku dhac toos ah oo idin keeni kara burbur deg deg ah.

Midnimadeenna waa KHAD CAS. Qof kasta oo isku daya inuu ka tallaabo, ha ahaado shisheeye ama gacan sokeeye, waa cadaw cad. Maanta ma aha maalintii aamusnaanta. Waa maalintii runta, geesinimada, iyo difaaca dalka.

Soomaaliya ha noolaato.
Soomaaliya ha guuleysato.

–
W/Q: Cabdullahi X. Maxamed (Samoow)
Abdullahisamoow@gmail.com

WARARKII KALE

DF oo sheegtay in xalay G/Hiiran lagu dilay xubno ka tirsanaa Al-shabaab

Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay diyaarado dagaal...

DFS iyo Laba Garab oo Mucaaradka ka mid ah oo isku raacay Doorasho Toos ah

Wada-hadallada siyaasadeed ee ka socda magaalada Muqdisho ayaa muujinaya...

Sarkaalkii Keydka Hubka iyo xubno kale oo ka tirsanaa AS oo lagu dilay Hirshabelle

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa sheegtay in...

Iran oo ku dhawaaqay weerar ay ku qaaday saldhigga Mareykanka ee Bahrain

Subaxnimadii Talaadada, Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 13 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Isbahaysi uu hoggaaminayo Sacuudiga oo ku dhawaaqay inay qabteen gantaalada ballistic-ga ah oo Xuutiyiinta ays oo rideen

Afhayeenka rasmiga ah ee ciidamada isbahaysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles