Dowladda Soomaaliya oo taageertay tallaabadii Sacuudiga uu ka qaaday Maleeshiyaad ay taagerto Imaaraadka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay mowqifkeeda ku aaddan xaaladda Yemen, iyadoo caddeysay taageerada buuxda ee ay u hayso midnimada, madaxbannaanida, iyo sharciyadda dastuuriga ah ee Jamhuuriyadda Yemen.

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay si cad u diidan tahay faragelin kasta oo lagu wiiqayo midnimada iyo hay’adaha qaran ee Yemen, isla markaana ay taageerayso xal siyaasadeed oo nabadeed, kaas oo ay hoggaaminayaan Yemeniyiintu.

Sidoo kale, Soomaaliya waxay bogaadisay doorka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee ku aaddan dadaallada diblumaasiyadeed, bini’aadantinimo iyo amni ee lagu doonayo in lagu soo afjaro qalalaasaha Yemen, loona yareeyo dhibaatada bani’aadantinimo.

Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa adkaysay in amniga Yemen uu si toos ah ugu xiran yahay amniga Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo guud ahaan Geeska Afrika, iyadoo ugu baaqday beesha caalamka in ay sii xoojiso dadaallada lagu gaari karo nabad waarta iyo xasillooni gobolka.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles