Thursday, June 25, 2026

DFS oo sheegtay in la beegsaday xaruntii ugu weyneed Al-shabaab ay ku laheyd Gobolka Baay

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay hawlgal militari oo culus ka fuliyay deegaanka Buula Fuuleey ee gobolka Baay, halkaas oo ka mid ah xarumaha ugu waaweyn ee ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Al-shabaab.

War rasmi ah oo ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada gaarka ah ee Danab, oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah, ay fuliyeen hawlgal si heer sare ah loo qorsheeyay, kaas oo bartilmaameedkiisu ahaa xarumo muhiim ah oo ay maleeshiyaadka Al-shabaab ku lahaayeen deegaanka Buula Fuuleey.

Intii uu hawlgalku socday, ciidamada ayaa beegsaday goobo ay deggenaayeen horjoogayaal iyo dagaalyahanno ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab, waxaana la xaqiijiyay in lagu dilay in ka badan 20 xubnood oo isugu jiray horjoogayaal iyo maleeshiyaad.

Sidoo kale, hawlgalka ayaa lagu burburiyay idaacad ay maleeshiyaadka Al-shabaab ku faafin jireen dacaayadooda, taas oo ku taallay isla deegaankaas.

Dowladda Soomaaliya weli ma soo bandhigin magacyada xubnaha Al-shabaab ee la dilay, mana jirto wax sawirro ah oo laga sii daayay horjoogayaasha ama maleeshiyaadka lagu khaarijiyay hawlgalkan.

Hawlgalkan ayaa imanaya iyadoo laba maalmood ka hor weerar la mid ah lagu beegsaday maleeshiyaadka Al-shabaab ee ku sugan gobolka Jubbada Dhexe, halkaas oo lagu dilay qaar ka mid ah horjoogayaashii ugu sarreeyay kooxda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay in ay ka go’an tahay ciribtirka maleeshiyaadka Al-shabaab, iyadoo xoojineysa hawlgallada amni ee ka socda gobollada dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Mareykanka oo shaaciyay inuu ku guuleystay tijaabadda gantaalka casriga ah ee Golden Dome

Maraykanku wuxuu markii ugu horreysay tijaabiyay nidaamka difaaca gantaallada...

Puntland oo Mamnuucday Hubka iyo Ciidamada Aan Ka tirsaneyn Nidaamka Maamulka

Maamulka Puntland ayaa ka digay waxa uu ku tilmaamay...

RW Xamsa oo gaaray Dhuusamareeb

Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb...

DFS oo waddo qorshaha doorashooyinka Galmudug iyo Xamse oo ku Wajahan Dhuusamareeb

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay dardar gelinayso...

Bariga Liibiya oo Xayiraad Kusoo Rogay Muwaadiniinta Soomaaliya iyo Saddex Dal oo Kale

Dowladda Bariga Liibiya ayaa ku dhawaaqday inay mamnuucday gelitaanka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles