Masar iyo Xoghayaha guud ee QM oo qadka Telefonka kaga wada hadlay faragelinta Israa’iil kula kacday Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Dr. Badr Cabdulcaati iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mudane António Guterres oo qadka taleefanka ku wadahadlay ayaa qeyb kamid ah wadahadalkooda diiradda ku saaray faragelinta iyo weerarka Israa’il ay ku soo qaaday midnimada iyo wadajirka dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiir Cabdulcaati ayaa Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u caddeeyay in aqoonsiga keligiis ah ee sharci-darrada ah ee Israa’iil u fidisay maamulka Somaliland uu yahay xadgudub cad oo ka dhan ah madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ayaa sheegay in qorshaha Isra’il uu wiiqayo xeerarka sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay, isagoo arrintaan ku tilmaamay mid khatar ah oo horseedi karta qalqal ku yimaada nabadda iyo amniga gobol iyo caalamka oo dhan.

Wasiir Cabdulcaati ayaa adkeeyay taageerada buuxda ee Masar ay la garabtaagan tahay midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dhankiisa, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa Masar ku ammaanay doorka ay ka qaadaneyso taageeridda amniga iyo xasilloonida gobolka, xilli ay jiraan qalalaaso goboleed oo aad u adag. Waxa uu sidoo kale bogaadiyay sida ay Masar uga go’an tahay mabaadi’da Axdiga Qaramada Midoobay iyo dadaalkeeda joogtada ah ee lagu xoojinayo nabadda iyo amniga caalamka.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles