Tuesday, January 13, 2026

Maxay ka wadahadleen wasiirada Arrimaha dibada Masar iyo Soomaaliya?

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa caawa fiidkii magaalada Jeddah kulan kula yeeshay dhiggiisa Wasiirka Arrimaha Dibadda, Socdaalka iyo Jaaliyadaha ee Masar, Mudane Dr. Badr Abdelatty., inta uu socdey shirka aan caadiga ahayn ee Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).

Intii lagu guda-jiray kulankani, labada wasiir waxay si qoto dheer uga wada hadleen aqoonsiga sharci-darrada ah ee Israa’iil ay siisay waxa loogu yeeray (Somaliland) ee gobolka Waqooyi galbeed Soomaaliya, iyagoo si adag u diiday tallaabo kasta oo wax u dhimaysa midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda dhowrista sharciga caalamiga, iyagoo muujiyey taageeradooda dhammaan dadaallada lagu dhowrayo midnimada qaran iyo xasilloonida dalka.

 

WARARKII KALE

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Wafdi Sare oo ka Socda Dowladda Federaalka oo gaaray Laascaanood, Caasimadda Dowlad-Goboleedka Waqooyi-Bari

Wafdi heer wasiir ah oo ka socda Dowladda Federaalka...

DFS oo sheegtay in xubno ka tirsanaa Al-shabaab lagu dilay G/Sh/Dhexe

Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay...

Galmudug oo soo saartay amar lagu xakameynayo hubka

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Maamulka Galmudug ayaa soo saartay...

Jubbaland oo diiday talaabada ay DFS ka qaadatay Imaaraadka Carabta

Dowlad-goboleedka Jubaland ayaa si cad uga hor yimid go’aanka...

Somaliland oo diiday talaabada ay DFS ka qaadatay Imaaraadka Carabta

Xukuumadda Somaliland ayaa si adag u diiday sheegasho ka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles