Wednesday, March 4, 2026

Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo jab lagu gaarsiiyay Hiiraan

Ciidamada Xaq-u-dirirka deegaanka ee Macawisleyda ee Gobolka Hiiraan, ayaa fuliyay howlgal ballaaran oo si weyn loogu jabiyay maleeshiyaadka Al-shabaab, kaasi oo ka dhacay deegaanno hoostaga Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Howlgalka ayaa yimid kaddib markii ciidamadu heleen xog sugan oo ku saabsan dhaqdhaqaaqyo ay khawaarijtu ka wadeen deegaannadaas, waxaana la sheegay in khasaare culus lagu gaarsiiyay Al-shabaab iyadoo laga hortagay qorshayaal ay ku dhibaateynayeen shacabka.

Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa sheegay in howlgalladu ay sii socon doonaan illaa laga ciribtiro maleeshiyada Khawaarijta ah ee ku dhuumaaleysanaysa qeybo kamid ah gobolka, iyagoo xusay in amniga guud ee deegaannada la xaqiijinayo.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee ay wadaan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garabsanaya xaq-u-dirirka shacabka, si loo xaqiijiyo nabadda iyo xasilloonida Gobolka Hiiraan.

WARARKII KALE

RW Ku-xigeenka XFS oo Kulan Miro-Dhal ah Layeeshay Duqda Muqdisho

Raysal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saalax...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles