Tuesday, January 13, 2026

Maxay ka wadahadleen Sheekh Shariif, Saacid Shirdoon iyo Fahad Yaasiin

Madax sare oo ka tirsan Xisbiga Midowga Haybad Qaran, oo ay ka mid yihiin Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad-sugidda Qaranka (NISA) Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, ayaa xalay booqasho ku tagay hoyga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray is-xogwareysi ku saabsan xaaladda guud ee siyaasadda dalka, midnimada qaranka, dowlad-dhiska, iyo mustaqbalka geeddi-socodka dowlad-dhisidda Soomaaliya, xilli dalka uu wajahayo marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah.

Labada dhinac ayaa si qoto dheer uga wada hadlay baahida loo qabo in la xoojiyo wadatashiga heer qaran, isla markaana la helo aragti mideysan oo ku wajahan ka gudbidda caqabadaha siyaasadeed ee haatan jira.

Waxay hoosta ka xariiqeen in talo wadaag joogto ah uu yahay furaha xal u helidda khilaafaadka siyaasadeed ee dalka ka aloosan.

Sidoo kale, kulanka ayaa lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in xalka siyaasadeed ee Soomaaliya lagu saleeyo ku laabashada ku shaqeynta Dastuurkii KMG ahaa, iyada oo la tixraacayo go’aamadii hore ee Golaha Mustaqbalka, kuwaas oo xubno ka yihiin mas’uuliyiintan siyaasadeed.

Mas’uuliyiinta ayaa isla meel dhigay in xaaladda siyaasadeed ee haatan jirta ay u baahan tahay bisayl siyaasadeed, isu-tanaasul, iyo in laga hormariyo danaha qaranka khilaafaadka shaqsiyeed ama kooxeed.

Kulankan ayaa ku soo aadaya xilli Soomaaliya ay wajahayo khilaafaad siyaasadeed, is-mariwaa doorasho, iyo is-jiid-jiid xooggan oo u dhexeeya dhinacyada siyaasadda, taas oo saameyn ku yeelatay geeddi-socodka dowlad-dhisidda iyo hannaanka doorashooyinka dalka.

WARARKII KALE

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Wafdi Sare oo ka Socda Dowladda Federaalka oo gaaray Laascaanood, Caasimadda Dowlad-Goboleedka Waqooyi-Bari

Wafdi heer wasiir ah oo ka socda Dowladda Federaalka...

DFS oo sheegtay in xubno ka tirsanaa Al-shabaab lagu dilay G/Sh/Dhexe

Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay...

Galmudug oo soo saartay amar lagu xakameynayo hubka

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Maamulka Galmudug ayaa soo saartay...

Jubbaland oo diiday talaabada ay DFS ka qaadatay Imaaraadka Carabta

Dowlad-goboleedka Jubaland ayaa si cad uga hor yimid go’aanka...

Somaliland oo diiday talaabada ay DFS ka qaadatay Imaaraadka Carabta

Xukuumadda Somaliland ayaa si adag u diiday sheegasho ka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles