Tuesday, January 13, 2026

MW Xasan Sheekh oo lagu casuumay shir ka dhacay Shiinaha

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu wadaa inuu booqasho rasmi ah ku tago dalka Shiinaha, kaddib casuumaad uu ka helay dowladda Shiinaha, sida uu shaaciyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Shiinaha, Wang Yi.

Casuumaaddan ayaa timid xilli Wasiir Wang Yi uu ka baaqday safar horay loo filayay inuu ku yimaado magaalada Muqdisho, hase yeeshee uu si cad u muujiyay mowqifka adag ee Shiinaha ee ku aaddan taageerada midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay Shiinaha ka qeybgeli doona Shirka Shiinaha iyo Dalalka Carabta, halkaas oo la filayo inuu kulamo gaar ah la yeesho madaxda ugu sarreysa dalkaasi, kuwaas oo diiradda lagu saari doono xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga istiraatiijiga ah.

Dowladda Shiinaha ayaa mar kale xaqiijisay inay si buuxda u taageersan tahay midnimada dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Shiinaha, Wang Yi, uu ballanqaaday in la xoojin doono iskaashiga dhanka difaaca, amniga iyo arrimaha siyaasadda.

Sidoo kale, Dowladda Soomaaliya ayaa lagu qanciyay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping, ay si rasmi ah isku arki doonaan inta lagu guda jiro shirka sare ee Shiinaha iyo Dalalka Carabta, kaas oo dhawaan ka dhacaya dalka Shiinaha.

Arrimahan ayaa lagu xaqiijiyay wada-hadal telefon oo Axaddii dhexmaray Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Shiinaha, Wang Yi, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cabdisalaam Dhaay, iyadoo labada dhinac ay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay sii xoojinta xiriirka labada dal.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa fursaddan u arkaya mid muhiim u ah dib-u-xoojinta xiriirka istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Shiinaha, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, amniga, iyo horumarinta nolosha dadka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, labada mas’uul ayaa sidoo kale ka wada hadlay doorka Shiinaha ee taageerada Soomaaliya ee ilaalinta midnimada dhuleed iyo ka shaqeynta nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika, taas oo muujinaysa xiriirka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya labada dowladood.

WARARKII KALE

DFS oo sheegtay in xubno ka tirsanaa Al-shabaab lagu dilay G/Sh/Dhexe

Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay...

Galmudug oo soo saartay amar lagu xakameynayo hubka

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Maamulka Galmudug ayaa soo saartay...

Jubbaland oo diiday talaabada ay DFS ka qaadatay Imaaraadka Carabta

Dowlad-goboleedka Jubaland ayaa si cad uga hor yimid go’aanka...

Somaliland oo diiday talaabada ay DFS ka qaadatay Imaaraadka Carabta

Xukuumadda Somaliland ayaa si adag u diiday sheegasho ka...

Maamulka Puntland oo war ka soo saaray go’aankii dowladda dhexe ee Imaaraadka

Maamulka Puntland ayaa ka soo horjeedsaday go’aankii dowladda federaalka...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 01 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles