Koofur Kuuriya oo diiday Faragelin lagu sameeyo Arrimaha Gudaha Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee  Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta kulan fogaan-arag ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Koonfur Kuuriya, Mudane Dr. Cho Hyun.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Koonfur Kuuriya, iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyo kala duwan leh.

Labada wasiir ayaa sidoo kale ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin joogitaanka ciidamada badda ee Koonfur Kuuriya ee Gacanka Cadmeed, iyo xaaladaha guud ee gobolka iyo kuwa caalamiga ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Koonfur Kuuriya ayaa mar kale adkeeyay ixtiraamka buuxa ee dalkiisa uu u hayo madaxbannaanida, midnimada dhuleed iyo qaranimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay ka go’naanshaha Koonfur Kuuriya ee sharciga caalamiga ah iyo mabda’a faragelin la’aanta arrimaha gudaha ee dalalka kale.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojinayso xiriirrada diblomaasiyadeed ee ay la leedahay saaxiibada caalamka, isla markaana ay ku difaacayso qaranimada iyo midnimada dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Markab shidaal oo marayay Hormuz ayaa la weeraray

Ururka arrimaha badaha ee UK ee loo ayqaan UKMTO...

Fiqi oo la kulmay wafdi ka socda saraakiil Turkiga ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Puntland oo qabatay gaadiid iyo ciidan ka tirsan DF oo galay waqooyiga Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa saaka kantaroolka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo...

KGS oo mamnuucay soo gelinta iyo ka ganacsiga qaadka sharci-darrada ah ee Baydhabo

Maamulka Koofur Galbeed ayaa soo saaray go’aan lagu mamnuucayo...

Maamulka Puntland oo bilaabay laba howlgal oo ka socda buuraha Calmadow iyo xeebaha

Maamulka Puntland ayaa bilaabay laba howlgal oo dhinacyada dhulka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles