Justin Davis oo noqday Ku-Simaha Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

Justin Davis, oo ahaa ku xigeenka madaxa howlgalka ee Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho, ayaa si rasmi ah ula wareegay xilka Ku-Simaha Safiirka ee safaaradda, sida lagu xaqiijiyay bogga rasmiga ah ee Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho.

“Shaqada Davis waxay diiradda saari doontaa sii wadidda xiriirka diblomaasiyadeed ee Mareykanka iyo hormarinta danaha Mareykanka ee Soomaaliya.” ayaa lagu yiri qoraalka.

Tallaabadan ayaa imaanaysa kaddib markii safiirkii hore Richard H. Riley xilka laga qaaday, isla markaana Madaxweyne Donald Trump uu dib u habeyn ku sameeyay qaar ka mid ah safiirrada Mareykanka ee qaaradda Afrika.

Safaaradda Mareykanka ayaa sheegtay in Justin Davis uu si buuxda u qaadi doono masuuliyadaha safiirka, isaga oo taageeraya xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Taliyaha Booliska Nigeria “Nabad la’aanta Soomaaliya waxay saameyneysaa Nigeria”

Taliyaha Cutubka Booliska Nigeria ee howlgalka Midowga Afrika ee...

Ciidamada Kenya oo ka hortagay weerar Al-Shabaab ay ka geysteen xuduudda Soomaaliya

Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) oo roondo ka waday deegaanka...

Xasan Sheekh, Xamse iyo Mahad oo xalay kulan yeeshay iyo go’aan laga gaaray Doorashada Galmudug

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xalay kulan uu...

RW Xamsa oo ku wajahan Qatar iyo Soomaaliya oo Dooxa ka dalbanaysa taageero dheeraad ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, iyo...

Guddoomiye Jaamac oo si kulul uga hadlay muranka dhulalka Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa si...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles