Friday, January 16, 2026

Abiy Ahmed oo wajahaya culeys siyaasadeed kadib aqoonsigii Israa’iil ay siisay Somaliland

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa wajahaya xaalad siyaasadeed oo aad u xasaasi ah, kaddib go’aankii Israa’iil ay ku aqoonsatay Somaliland, arrin Itoobiya gelisay loollan istiraatiiji ah oo u dhexeeya Shiinaha iyo Imaaraadka Carabta.

Wargeyska The Africa Report ayaa qoray in Shiinaha si cad ugu digay Itoobiya iyo dalalka kale ee gobolka inaysan taageerin ama aqoonsan Somaliland, maadaama Beijing ay arrintaas u aragto mid khatar ku ah mabda’a midnimada dalalka.

Dhanka kale, Imaaraadka Carabta ayaa leh joogitaan ballaaran oo dhaqaale iyo mid amni oo ka jira Somaliland, waxaana lagu eedeeyay inuu door ku leeyahay dadaallada la xiriira aqoonsiga Somaliland ee Israa’iil.

Warbixintu waxay sheegtay in Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu qaatay mowqif dhexdhexaad ah, isagoo ka fogaanaya inuu si cad ula safato midkood Shiinaha ama Imaaraadka, si uu u ilaaliyo xiriirka labada quwadood.

Itoobiya ayaa xilligan u baahan maalgelin iyo deymo ka imanaya Shiinaha, halka Imaaraadkuna uu ballanqaaday taageero dhaqaale iyo mid milatari, oo ay ku jiraan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Addis Ababa ayaa lagu soo warramayaa inay si xeeladaysan u maareyneyso loollanka quwadahaas, si aysan u lumin midkoodna ama u gelin qalalaase siyaasadeed iyo mid dhaqaale.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 16 01 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

MW Xasan Sheekh oo tagay Laascaanood

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa noqonaya madaxweynihii ugu...

Bandow lagu soo rogay Laascaanood iyo ammaanka oo aad loo adkeeyay

Maamuka Waqooyi Bari ayaa 48 saac ee soo socda...

Somaliland oo ka digtay in colaad hor leh laga abuuro deegaanadeeda

Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland, Xuseen Aadan Cige (Deyr), ayaa si...

RW Xamsa iyo wafuud kale oo maanta tagaya Laascaanood

Waxaa maanta la filayaa in magaalada Laascaanood, oo ah...

Shir looga hadlay sugida ammaanka oo xalay ka dhacay Laascaanood

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Waqooyi bari Cabdulqaadir Firdhiye ayaa xalay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles