Trump oo ugu hanjabay canshuuro cusub dalalka ka soo horjeeda la wareegitaanka Greenland

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku hanjabay inuu canshuur cusub kusoo rogi doono dalalka aan raacin damaciisa ah in uu la wareego Greenland.

Trump ayaa ka yiri kulan ka dhacay Aqalka Cad, “waxaan canshuur ku soo rogi karaa dalalka haddii aysan nagu raacin Greenland,” taas oo ah dhul iskiis isu maamulo hoos yimaada Denmark.

Wuxuu ka gaabsaday inuu sheego dalalka la saari karo canshuuraha cusub, ama awoodda uu adeegsan lahaa si uu u isticmaalo hiigsigiisa canshuuraha soo dejinta.

Denmark iyo Greenland waxaa ku weheliya dalal kale oo kasoo horjeeda qorshihiisa, waxaana dad badan oo Mareykanka ah ay muujinayeen shakiga ku aaddan iibsashada. Intii uu Trump ka hadlayay, wakiillo ka socday labada xisbi ee Kongresska ayaa booqanayay Greenland si ay taageero ugu muujiyaan dhulkaas.

 

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles