Wednesday, April 29, 2026

DFS oo ka qeyb galaysa shir ka dhacaya Hindiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda  Soomaaliya ayaa dhawaan safar rasmi ah ku tagi doona Jamhuuriyadda Hindiya, halkaas oo uu kula kulmi doono dhiggiisa dalkaas, si ay uga wada hadlaan xoojinta xiriirka labo geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Hindiya.

Safarka Wasiirka ayaa ku soo beegmaya xilli uu ka qayb galayo shir heer sare ah oo u dhexeeya Wasiirrada Arrimaha Dibadda dalalka Carabta iyo Ra’iisul Wasaaraha Hindiya, Narendra Modi, kaas oo lagu wado inuu ka qabsoomo magaalada New Delhi taariikhaha January 30–31. Shirkan ayaa diiradda lagu saari doonaa iskaashiga siyaasadeed, dhaqaale, ganacsi iyo amni ee u dhexeeya Hindiya iyo dalalka Carabta.

Inta uu safarka ku jiro, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa la filayaa inuu kulammo gaar ah la yeesho mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Hindiya, kuwaas oo looga hadli doono taageerada Hindiya ee dib-u-dhiska Soomaaliya, horumarinta waxbarashada, caafimaadka, ganacsiga iyo iskaashiga caalamiga ah.

Hindiya ayaa dhawaan mar kale muujisay taageeradeeda buuxda ee madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, tallaabadaas oo dowladda Soomaaliya ay ku tilmaantay mid xoojinaysa xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal.

Safarkan ayaa la rumeysan yahay inuu fure u noqon doono ballaarinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo midka istaraatiijiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Hindiya, gaar ahaan xilligan ay Soomaaliya dadaal xooggan ugu jirto dib-u-soo-kabasho, nabadeyn iyo horumar waara.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Deni oo kulan xasaasi ah la qaatay odayaasha dhaqanka ee G/Sanaag

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo...

Soomaaliya “Amniga iyo maareynta baddeena waa arrin muhiim u ah gobolka iyo guud ahaan dunida”

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay...

Muddo kordhin loo sameeyay golaha wakiilada iyo kuwa deegaanka Soomaaliland

Golaha Guurtida Somaliland ayaa goleyaasha wakiillada iyo deegaanka u...

Deni oo shaaciyay in 15-ka May 2026 haddii aan la helin heshiis siyaaasadeed aysan jirin dowlad Soomaaliyeed

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlayey Magaalada...

Doorashadii Baydhabo oo dib loo dhigay, khilaaf xooggan oo hareeyay hanaanka doorashada KGS

Waxaa dib loo dhigay doorashadii maanta lagu waday inay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles