Xildhibaanada ka soo jeeda Awdal ee Somaliland oo digay in Ciro uu colaad ka horayo Awdal

Xildhibaannada deegaan doorashadoodu tahay Gobolka Awdal ee xubnaha ka ah Golaha Wakiillada Somaliland ayaa Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro uga digay in uu colaad hor leh u abaabulo Bulshada ay metalaan.

Xildhibaannadaan ayaa sheegay in Dadka Awdal ay la dhibaataysan yihiin waxyeellada ka soo gaartay awood muquuninta Xukuumadda Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro sida ay hadalka u dhigeen.

Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland ee kasoo jeeda Gobolka Awdal ayaa sheegay in ay heleen xogo muujinaya in awood militari oo dheeraad ah uu Madaxweyne Cirro u adeegsanayo Gobolkaasi.

Abiib ayaa ka digay dhibaatooyinka ka imaan kara awood sheegashadaas maadaama aanay dadku lagu qasbi Karin wax aysan rabin, waxa uu ku baaqay in si wadajir ah meel fog looga istaago tallaabadaas sida uu hadalka u dhigay.

Somaliland ayaa damacsan in ay Gobolka Awdal ka fuliso howlgallo culus oo ka dhan ah Dadka kacdoonka ka wada Gobolkaas, waxaa weli u xiran Tiro dad ah, halka Magaalooyinka qaar ay ka muuqdaan raadadka rabshadihii ugu danbeeyey ee ka dhacay gobolka.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles