Trump oo ka laabtay hanjabaadiisi canshuuraha Greenland iyo inuu xoog ku qabsanayo

Kadib markii uu la kulmay Xoghayaha Guud ee NATO Mark Rutte, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump wuxuu sheegay in uusan soo rogi doonin canshuuraha loo qorsheeyay inay dhaqan galaan 1-da Febraayo

Hadalkan wuxuu ka dhigan yahay dib u gurasho, ka dib markii Trump uu ku hanjabay inuu canshuur hor leh ku soo rogi doono siddeed xulafo oo Mareykan ah oo ka soo horjeeda doonistiisa jasiiradda Greenland

Trump ayaa kulankii uu la yeeshay Rutte kadib, soo dhigay qoraal barta Social, kulankaas oo u uku tilmaamay “mid aad waxtar u leh,”.

Wuxuu yiri: “Xalkan, haddii la dhammeystiro, wuxuu u noqon doonaa mid aad u wanaagsan Mareykanka iyo dhammaan waddamada NATO.”

“Marka la eego is-afgaradkan, ma hirgelin doono canshuurihii loo qorsheeyay inay dhaqan galaan 1-da Febraayo. Wadahadallo dheeraad ah ayaa socda oo ku saabsan Mashruuca Golden Dome sida uu ula xiriiro Greenland.”

“Faahfaahin dheeraad ah ayaa la bixin doonaa marka wadahadalladu sii socdaan. Madaxweyne-ku-xigeenka JD Vance, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio, Ergayga Gaarka ah Steve Witkoff, iyo qaar kale oo loo baahdo, ayaa mas’uul ka noqon doona wadaxaajoodyada — waxayna si toos ah ii soo wargelin doonaan. Waad ku mahadsan tihiin sida aad arrintan u danaynayseen.”

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles