Saturday, May 2, 2026

Trump oo digniin u diray Canada

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku hanjabay inuu 100% canshuuro ku soo rogi doono badeecadaha Canada, haddii waddanku uu heshiis ganacsi la galo Shiinaha.

“Haddii Kanada ay heshiis la gasho Shiinaha, isla markiiba waxaa lagu soo rogi doonaa 100% canshuur oo ka dhan ah dhammaan badeecadaha Kanada iyo badeecadaha soo gala USA,” ayuu Trump ku yiri bartiisa Truth Social.

Ma cadda heshiiska uu Trump kaga hadlayo qoraalkiisa baraha bulshada. Toddobaadkii hore, Ra’iisul Wasaaraha Canada Carney ayaa ku dhawaaqay “iskaashi istiraatiiji ah” oo ay la leeyihiin Shiinaha, waxayna ku heshiiyeen in la dhimo canshuuraha.

Waqtigaas, Trump ayaa tallaabadaas ku tilmaamay “wax wanaagsan”. Balse xiisadda u dhaxaysa Maraykanka iyo Canada ayaa sii kordhaysay maalmihii la soo dhaafay, ka dib markii Carney ay khudbad uu ka jeediyay magaalada Davos ku sheegay in la jabsaday nidaamkii adduunka ee uu Maraykanku hoggaaminayay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 01 05 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Cutubkii ugu horeeyey Ciidanka Masar oo ku soo wajahan Somalia

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in cutubkii ugu horreeyay...

Wasiiro, siyaasiyiin & Xildhibaano ku qulqulaya Baydhabo

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo ay...

Iran oo xoojisay awoodeeda Milateri, lana soo baxday hub cusub

Warbaahinta caalamiga ah ee Al Jazeera ayaa baahisay warbixin...

Soomaali Mindi ku weeraray dad Yuhuud ah oo dacwad lagu soo oogay

Ciise Suleiman ayaa lagu soo oogay dacwad isku day...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles