Trump oo digniin u diray Canada

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku hanjabay inuu 100% canshuuro ku soo rogi doono badeecadaha Canada, haddii waddanku uu heshiis ganacsi la galo Shiinaha.

“Haddii Kanada ay heshiis la gasho Shiinaha, isla markiiba waxaa lagu soo rogi doonaa 100% canshuur oo ka dhan ah dhammaan badeecadaha Kanada iyo badeecadaha soo gala USA,” ayuu Trump ku yiri bartiisa Truth Social.

Ma cadda heshiiska uu Trump kaga hadlayo qoraalkiisa baraha bulshada. Toddobaadkii hore, Ra’iisul Wasaaraha Canada Carney ayaa ku dhawaaqay “iskaashi istiraatiiji ah” oo ay la leeyihiin Shiinaha, waxayna ku heshiiyeen in la dhimo canshuuraha.

Waqtigaas, Trump ayaa tallaabadaas ku tilmaamay “wax wanaagsan”. Balse xiisadda u dhaxaysa Maraykanka iyo Canada ayaa sii kordhaysay maalmihii la soo dhaafay, ka dib markii Carney ay khudbad uu ka jeediyay magaalada Davos ku sheegay in la jabsaday nidaamkii adduunka ee uu Maraykanku hoggaaminayay.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles