Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 32-aad ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka, waxaana shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.
Guntanka ama kooramka kulanka ayaa waxa uu ku furmay 145-Xildhibaan waxaana ugu horreyn Xildhibaanada ay akhrinta sedaxaad marsiiyeen Hindise Sharciyeedka Amniga Saybarka Soomaaliya oo hore u soo maray akhrimaha koowaad iyo labaad.
Intaasi ka dib, Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka oo u codeeyey Hindise Sharciyeedka Amniga Saybarka Soomaaliya ayaa waxaa ogolaatay 144-Xildhibaan, hal Xildhibaan ayaa diiday, wax ka aamusayna ma jirin.
Dhinaca kale Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa akhrinta labaad marsiiyey Hindise Sharciyeedka Sharciga dhismaha Hay’adda Qaran ee Maareynta Deegaanka, waxaana xildhibaanada ay ka doodeen qodobada hindise sharciyeedkan iyo muhiimadda uu dalka u leeyahay.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa faray guddiga ku shaqada leh Hindise Sharciyeedka Sharciga dhismaha Hay’adda Qaran ee Maareynta Deegaanka inuu soo diyaariyo akhrinta sedaxaad ee Hindise Sharciyeedka dibna uu Golaha ugu soo celiyo.
Ugu dambeyn, Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa loo qeybiyey warbixinta akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Macmiilka Danabeysan.


