Monday, January 26, 2026

Wafdi ka socda Talyaaniga oo yimid Muqdisho

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Muqdisho ku qaabilay wafdi sare oo ka socday Jamhuuriyadda Turkiga, kuwaas oo u yimid wadahadallo heer sare ah oo lagu xoojinayo xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya labada dal.

Intii uu socday kulanka, Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Dowladda Turkiga taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay Soomaaliya, gaar ahaan ilaalinta midnimada, madaxbannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee dalka, isagoo sidoo kale xusay doorka muuqda ee Turkigu ka qaato taageeridda Soomaaliya fagaarayaasha caalamiga ah, oo ay ku jirto Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).

Kulanka waxaa ka qeyb galay Mudane Cali Onaner, Agaasimaha Guud ee Arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga, iyo Mudane Alper AktaÅŸ. Safirka Turkiye u fadhiyo somalia. Labada dhinac ayaa isla qaatay in la sii amba-qaado wadatashiyada joogtada ah iyo iskaashiga ku aaddan dhinacyada mudnaanta u leh labada dal, si loo sii xoojiyo xiriirka istaraatiijiyadeed ee Soomaaliya iyo Turkiga.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 26 01 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ansixiyay Sharciga Amniga Saybarka Soomaaliya

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Uganda oo ciidamadeeda kala baxaysa Soomaaliya

Dowladda dalka Uganda ayaa shaacisay in ay si degdeg...

Al-shabaab oo weerar ka fulisay Gaarisa

Mas’uul sare oo ka tirsan maamulka deegaanka iyo macallin...

Dhaq dhaqaaq siyaasadeed oo ka dhan ah Deni oo ka bilowday Boosaaso

Kulamo siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah Madaxweynaha Maamulka...

Soomaaliland oo beenisay in ciidan Shisheeye ay ku sugan yihiin Awdal

Xukuumadda Somaliland ayaa si cad u beenisay war ay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles