Monday, April 6, 2026

Abaabulka Mooshin ka dhan ah wax badelka Dastuurka oo socda iyo khilaaf cusub

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in socdaan abaabulka mooshin ay wadaan xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, xilli dalka uu ku jiro xaalad kala-guur ah isla markaana uu taagan yahay khilaaf siyaasadeed.

Mooshinkan ayaa la xiriira diidmo ku aaddan wax-ka-beddelka Dastuurka ee haatan ay wado madaxtooyada Soomaaliya, waxaana saxiixay xildhibaanno dhowr ah oo doonaya in ay warqaddooda gaarsiiyaan guddoonka Baarlamaanka.

Arrintan ayaa kusoo beegmeysa iyadoo shalay guddiyada u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka ay la kulmeen guddoonka labada gole, iyagoo ku wareejiyay soo jeedimaha wax-ka-beddelka cutubyada 5-aad ilaa 9-aad ee dastuurka, iyo jadwalka doodaha la xiriira qodobadaas.

Sidoo kale, guddiyadu waxay sheegeen in doodaha ku saabsan wax-ka-beddelka Dastuurka ay sii socon doonaan, inkastoo ay weli taagan tahay tabashada ay qabaan dhinacyada mucaaradka.

Arrimahan ayaa la rumeysan yahay inay uga sii dari karaan xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan khilaafka ka taagan hannaanka doorashooyinka, iyadoo hore mucaaradka iyo maamullada Jubbaland iyo Puntland ay si adag uga horyimaadeen wax-ka-beddelka Dastuurka.

Dhanka kale, Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya kulan aan caadi ahayn, kaas oo looga arrinsan doono sii wadista wax-ka-beddelka Dastuurka iyo horgeynta ajandaha kulanka golaha, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo.

Tani waxay imaneysa xilli Villa Soomaaliya ay wadahadal ugu yeertay Golaha Mustaqbalka, kuwaas oo dalbaday in laga laabto wax-ka-beddelka Dastuurka, si loo helo heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 06 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo war ka soo saartay duqeyn ka dhacday G/Baay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in Ciidanka Qaranka, oo...

DFS oo war ka soo saartay shidaal qodista ka bilaabanaysa dalka

Wasiiru dowladaha Xukuumadda Soomaaliya Cali Cumar ayaa qoraal uu...

Khasaare ka dhashay gantaallo ay Iraan ku weerartay Israa’iil

Iiraan ayaa labo gantaal ku garaacday magaalooyin ku yaala...

Wasiirka Tamarta Turkiga oo ku soo wajahan Muqdisho

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Alparslan Bayraktar...

Mareykanka, Iiraan, iyo dhexdhexaadiyayaal oo ka wada hadlaya xabad joojin

Warbaahinta Axios ee Mareykanka ayaa soo xigatay afar ilo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles