Tuesday, January 27, 2026

Ururka Xisbulaah oo digniin u diray Mareykanka

Naciim Qaasim, Xoghayaha Guud ee ururka Xisbullah ee Lubnaan, ayaa u sheegay taageerayaashiisa khudbad telefishin laga baahiyay iyo isu-soo-bax uu ku taageerayay Iiraan: “Haddii Mareykanka iyo Israa’iil ay dagaal ka bilaabaan Iiraan, annagu dhexdhexaad kama ahaan doonno.”

Hoggaamiyaha Xisbullah ee Lubnaan ayaa yiri:“Waxaan u aragnaa hanjabaadda Mareykanka ee ka dhanka ah Iiraan mid annagana nagu wajahan, waxaana leenahay awood buuxda oo aan ku qaadno tallaabo kasta oo aan ku aragno inay ku habboon tahay ka hortaggeeda.”

Khudbadda Naciim Qaasim ayaa si toos ah looga baahiyay Telefishinka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan.

Wuxuu intaas ku daray:“Arrinta Iiraan kama nihin dhexdhexaad, waxaana ku dhawaaqi doonnaa tallaabadeenna waqtiga ku habboon,” isaga oo ka digay in dagaal cusub oo lagula kaco Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan uu “dab qabsan doono guud ahaan gobolka.”

Bilihii la soo dhaafay ayaa waxaa jiray xiisado dhanka afka ah oo u dhaxeeyay saraakiisha Iran iyo dowladda Lubnaan oo ka dhashay hub ka dhigis lagu sameeyay kooxdan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 01 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Guddiga joogtada ee Golaha shacabka oo labo garab u kala jabay

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya...

Milatari Soomaaliya oo dagaal kula wareegay Deegaanka Jabad Godane

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa si buuxda gacanta ugu...

Midowga Yurub oo taageeray shirka ay aqbaleen Mucaaradka

Ergeyga Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Francesca Di Mauro,...

Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka iyo Kaabayaasha Turkiga oo soo gaaray Muqdisho

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya Maxamed Cabdulqaadir...

DFS oo qiratay mas’uuliyada boobkii bakhaaradii raaashinka WFP ee Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u qaadatay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles