DFS oo qiratay mas’uuliyada boobkii bakhaaradii raaashinka WFP ee Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u qaadatay mas’uuliyadda raashinkii gargaarka ahaa ee laga qaaday bakhaarkii ay Hay’adda Cunnada Adduunka (WFP) ku lahayd magaalada Muqdisho.

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaarada maaliyada Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in dhammaan wixii bakhaarkaasi laga qaaday dib loogu celiyay WFP, sidoo kalena ay hay’adda siisay bakhaar ka weyn kana habboon kii hore, si loo hubiyo amniga iyo sii socoshada howlaha bani’aadannimo.

Sidoo kale, Dowladda Soomaaliya ayaa muujisay inay ka xun tahay wixii dhacay, iyadoo ballanqaadday in la qaadi doono tallaabooyin looga hortagayo in mar kale ay dhacaan arrimo la mid ah kuwaas.

Horaantii bishan, Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday inay hakisay gargaarkii ay siin jirtay Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in masuuliyiin ka tirsan dowladda ay ku lug lahaayeen burburinta bakhaar ay lahayd WFP, isla markaana la dhacay 76 tan oo gargaar cunto ah oo loogu talagalay dadka Soomaaliyeed ee tabaaleysan.

Dowladda Mareykanka ayaa xilligaas sheegtay in gargaarka dib loo bilaabi doono marka ay Dowladda Soomaaliya si buuxda u qaadato mas’uuliyadda wixii dhacay, isla markaana ay saxdo khaladaadka dhacay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Taliyaha Booliska Nigeria “Nabad la’aanta Soomaaliya waxay saameyneysaa Nigeria”

Taliyaha Cutubka Booliska Nigeria ee howlgalka Midowga Afrika ee...

Ciidamada Kenya oo ka hortagay weerar Al-Shabaab ay ka geysteen xuduudda Soomaaliya

Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) oo roondo ka waday deegaanka...

Xasan Sheekh, Xamse iyo Mahad oo xalay kulan yeeshay iyo go’aan laga gaaray Doorashada Galmudug

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xalay kulan uu...

RW Xamsa oo ku wajahan Qatar iyo Soomaaliya oo Dooxa ka dalbanaysa taageero dheeraad ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, iyo...

Guddoomiye Jaamac oo si kulul uga hadlay muranka dhulalka Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa si...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles