Midowga Yurub oo taageeray shirka ay aqbaleen Mucaaradka

Ergeyga Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Francesca Di Mauro, ayaa soo dhaweeysay go’aanka ay qaateen hoggaamiyeyaasha Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee mucaaradka ah, kuwaas oo aqbaleen ka qeybgalka shir wadatashi oo ay martiqaad ka heleen Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Francesca Di Mauro ayaa qoraal ay ku baahisay barta X (horey Twitter) ku sheegtay in xubnaha Golaha Mustaqbalka ay aqbaleen casuumaadda kadib kulan ay yeesheen, iyadoo arrintaas ku tilmaantay “tallaabo togan oo wax dhisaysa.”

Safiirku waxay intaas ku dartay in hadda loo baahan yahay jawi ku habboon oo horseeda wadahadallo miro-dhal ah oo u dhexeeya dhinacyada siyaasadda.

Shirka wadatashiga ayaa lagu wado in lagu qabto magaalada Muqdisho 1-da Febraayo 2026, waxaana martiqaadkiisa si rasmi ah uga yimid Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, oo ay ku mideysan yihiin madaxda Puntland Saciid Deni, Jubbaland Axmed Madoobe iyo siyaasiyiinta madasha mucaaradka, ayaa horey si weyn uga horyimid qorshaha dowladda ee ku aadan nidaamka doorashada “hal qof, hal cod” oo aan heshiis siyaasadeed lagu aheyn.

Dhawaan goluhu wuxuu shuruud ka dhigay in la joojiyo dhammaan wax-ka-beddellada lagu sameynayo Dastuurka Kumeelgaarka ah ee 2012, si wada-hadalladu u noqdaan kuwo miro dhal ah oo lagu dhisi karo kalsooni siyaasadeed.

Sidoo kale, la filayo in beri hore Baarlamaanka la horgeeyo wax-ka-beddelka Dastuurka, iyadoo xiligan khilaaf weyn iyo dood culus ka taagan tahay meelmarintiisa, maadaama muddo xileedka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ka harsan yahay waqti kooban.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen labada guddoon ee BFS?

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi...

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa Itoobiya oo si nabad ah ku gaaray Ceel-Barde

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa dalka Itoobiya ayaa maanta...

Puntland oo Gaalkacyo ka mamnuucday qaadashada hubka

Wareegtada ayaa lagu xusay in sharciga Nabadgelyada Guud ee...

RW Xamsa oo gaaray Jeddah iyo Sacuudiga oo garab istaag u muujiyay Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa...

Dagaalka Mooyaale oo maalintii afraad galay

Dagaal culus ayaa maalintii afraad oo xiriir ah ka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles