Ilhan Cumar oo ka badbaaday isku day dil iyo faahfaahino ka soo baxaya weerarka lagu qaaday

Nin ayaa rabshad ka abuuray kulan dadweyne oo ay qabanaysay xildhibaanad Ilhaan Cumar kaddib markii uu ku saydhiyay dareere aan la aqoon waxa uu yahay oo lahaa ur aan habboonayn.

Kulkanka dadweyne ayaa ka dhacayay Minneapolis Talaadadii, xilli ay cambaareynaysay tallaabooyinka Hay’adda Socdaalka iyo Kastamyada Mareykanka (ICE) ee ku sugan Minnesota.

Muuqaal bahay ayaa muujinaya nin si degdeg ah ugu soo ordaya xildhibaanadda oo taagnayd masraxa, kuna buufinaya dareere. Nin kale oo weyn ayaa islamarkiiba qabtay, dhulka ku tuuray kana hor istaagay.

Ilhaan ayaa dhowr tallaabo u qaadday dhinaciisa iyadoo gacanta kor u taagtay ka hor inta aan la xakameyn ninkaasi, kaddibna waxay sii wadatay khudbaddeedii kaddib hakad kooban oo dhacay.

Ilhaan Cumar ayaa ka hadashay weerar xalay loogu geystay meel ay khudbad ka jeedineysay.

“Intii lagu jiray hoolka magaalada, nin kicin wada ayaa isku dayay inuu weerar ku qaado haweeneyda Congress-ka isagoo ku buufiyay wax aan la garaneynin oo cirbad ku jira, Nabadgelyada iyo Booliska Minneapolis ayaa si deg deg ah u soo qabtay shakhsiga, hadda waa la xiray, haweeneyda Congress-ka way fiican tahay. Waxay sii wadatay khudbaddeeda sababtoo ah uma oggola kuwa cagajuglaynta wada inay guuleystaan.”” ayaa lagu yiri qoraal lasoo dhigay barta baraha bulshada ee Ilhaan.

Qoraal ay soo dhigtay barta X, Ilhaan waxay ku tiri: “Waan fiicanahay. Waxaan ahay qof badbaaday, marka kicintan yar ima cabsigelin doonto inay iga horjoogsato gudashada shaqadayda. Uma oggolaado cagajugleeyeyaasha inay guuleystaan.”

Dhacdada ka dib, Ilhaan ayaa dadka hoolka joogay u sheegtay “waan sii wadi doonnaa… Minnesota ayaanu nahay kuwo xooggan”.

WARARKII KALE

Maxay ka wadahadleen labada guddoon ee BFS?

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi...

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa Itoobiya oo si nabad ah ku gaaray Ceel-Barde

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa dalka Itoobiya ayaa maanta...

Puntland oo Gaalkacyo ka mamnuucday qaadashada hubka

Wareegtada ayaa lagu xusay in sharciga Nabadgelyada Guud ee...

RW Xamsa oo gaaray Jeddah iyo Sacuudiga oo garab istaag u muujiyay Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa...

Dagaalka Mooyaale oo maalintii afraad galay

Dagaal culus ayaa maalintii afraad oo xiriir ah ka...

 Deni oo maanta hortagaya Baarlamaanka Puntland iyo go’aanno siyaasadeed oo laga sugayo

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta la filayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles