Mareykanka oo sheegay in Soomaaliya ay qaadatay mas’uuliyadda bakhaarkii la jabsaday, dibna u fasaxay gargaarka

Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay inay dib u billowday gargaarkii bani’aadannimo ee ay Soomaaliya siin jirtay, gaar ahaan kan loo soo marin jiray Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP, kaddib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaadatay mas’uuliyadda dhacdooyinkii la xiriiray lunsashada raashinka gargaarka.

War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Gargaarka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka (US Foreign Assistance) ayaa lagu sheegay in Mareykanku aqbalay tallaabada mas’uuliyadeed ee ay qaaday dowladda Soomaaliya, taas oo keentay in dib loo fasaxo hawlihii WFP.

“Mareykanka wuxuu aqbalay mas’uuliyadda ay qaadatay Dowladda Soomaaliya ee falkii saameeyay howlaha WFP. Kaddib qirashadaas, waxaan dib u billownay hawlgalladii gargaarka, inkastoo wali aan wadno dib-u-eegis guud oo ku saabsan taageerada Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Sidoo kale, qoraalka ayaa lagu xusay in Maamulka Madaxweyne Trump uu si adag uga soo horjeedo musuqmaasuqa, xatooyada, iyo leexsiga gargaarka bani’aadannimo ee Mareykanku bixiyo, isagoo carrabka ku adkeeyay in aan marna la aqbali doonin in kaalmo la xado ama si khaldan loo adeegsado.

Arrintan ayaa timid kaddib markii dhawaan Mareykanku ku eedeeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya inay si sharci-darro ah u galeen bakhaar ay lahayd hay’adda WFP, isla markaana ay qaateen ku dhowaad 76 tan oo raashin ah oo loogu talagalay dadka danyarta ah.

Kaddib eedeyntaasi, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qiratay mas’uuliyadda dhacdada, waxayna xaqiijisay in dhammaan raashiinkii laga qaaday bakhaarka dib loogu celiyay WFP si buuxda.

Dowladda ayaa sidoo kale ku tilmaantay dhacdadaas “mid nasiib darro ah” oo aan loo baahnayn inay dhacdo.

Dib u bilaabista gargaarka WFP ayaa la filayaa inay wax weyn ka tari doonto xaaladda bani’aadannimo ee dalka, maadaama malaayiin qof oo Soomaaliyeed ay ku tiirsan yihiin kaalmooyinka cunnada iyo taageerada caalamiga ah.

Dowladda Mareykanka ayaa mar kale ku celisay in taageeradeedu ay ku xirnaan doonto hufnaan, isla-xisaabtan, iyo ilaalinta hantida gargaarka, si loo hubiyo in kaalmadu ay gaarto dadka u baahan.

 

 

 

WARARKII KALE

Maxay ka wadahadleen labada guddoon ee BFS?

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi...

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa Itoobiya oo si nabad ah ku gaaray Ceel-Barde

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa dalka Itoobiya ayaa maanta...

Puntland oo Gaalkacyo ka mamnuucday qaadashada hubka

Wareegtada ayaa lagu xusay in sharciga Nabadgelyada Guud ee...

RW Xamsa oo gaaray Jeddah iyo Sacuudiga oo garab istaag u muujiyay Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa...

Dagaalka Mooyaale oo maalintii afraad galay

Dagaal culus ayaa maalintii afraad oo xiriir ah ka...

 Deni oo maanta hortagaya Baarlamaanka Puntland iyo go’aanno siyaasadeed oo laga sugayo

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta la filayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles