Monday, April 6, 2026

Gen Odawaa oo xilka laga qaaday iyo taliye cusub oo la magacaabay

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xilka ka qaaday Taliyihii Ciidanka Xoogga Dalka, Jeneraal Odawaa Yuusuf Raagge, waxaana xilkaasi loo magacaabay Jeneraal Ibraahim Maxamed Maxamuud.

Jeneraal Ibraahim horey wuxuu u ahaa Taliyaha Taliska Taakulada Guud ee Ciidamada Xoogga Dalka, wuxuuna ka mid yahay saraakiisha ay soo tababartay dowladda Turkiga.

Jeneraal Odawaa, oo laba mar soo noqday taliyaha milateriga, ayaa lagu beddelay sarkaal da’ yar, taas oo muujinaysa isbeddel lagu sameynayo hoggaanka ciidamada.

Inkastoo sabab rasmi ah aan la shaacin, balse  waxaa xusid mudan in sanadkii la soo dhaafay ciidamada ay ka baxeen deegaano badan oo muhiim ah, taas oo keentay cabashooyin ku saabsan waxqabadka ciidamada.

Magacaabista taliyaha cusub ayaa ku soo aadeysa xilli dalka uu wajahayo caqabado amni oo joogto ah, waxaana la filayaa in Jeneraal Ibraahim Maxamed Maxamuud uu hoggaamiyo dagaalka ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-shabaab.

WARARKII KALE

DFS oo war ka soo saartay duqeyn ka dhacday G/Baay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in Ciidanka Qaranka, oo...

DFS oo war ka soo saartay shidaal qodista ka bilaabanaysa dalka

Wasiiru dowladaha Xukuumadda Soomaaliya Cali Cumar ayaa qoraal uu...

Khasaare ka dhashay gantaallo ay Iraan ku weerartay Israa’iil

Iiraan ayaa labo gantaal ku garaacday magaalooyin ku yaala...

Wasiirka Tamarta Turkiga oo ku soo wajahan Muqdisho

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Alparslan Bayraktar...

Mareykanka, Iiraan, iyo dhexdhexaadiyayaal oo ka wada hadlaya xabad joojin

Warbaahinta Axios ee Mareykanka ayaa soo xigatay afar ilo...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 05 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles