Thursday, July 2, 2026

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Baydhabo ku qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xarunta Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Mudane Cabdikariin Axmed Xasan iyo wafdi uu hoggaaminayo kuwaas oo maanta soo gaaray Magaalada Baydhabo.

Madaxweyne Laftagareen iyo Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka Qaranka ayaa Kulankooda uga wada hadlay arrimo la xiriira geeddi-socodka doorashooyinka Dalka, wadatashi ku saabsan hawlaha doorashooyinka iyo qiimeynta diyaar-garowga habsami u socodka howlaha la xiriira geeddi-socodka dimuqraadiyadda dalka.

Goor hore oo maanta ah, guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Mudane Cabdikariin Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Baydhabo u gaaray si ay kulamo ula yeeshaan mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Koonfur Galbeed, oo ugu Horeeyo Madaxweyne Laftagareen si ay uga wada hadlaan dardargelinta arimaha doorashooyinka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 01 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Mareykanka oo DFS ka caawinaya dagaalka ay kula jirto AS

Dowaladda Mareykanka aya fariin ku aadan munaasabada1ada luulyo la...

Nigeria oo magdhow ka dalbanaysa Koonfur Afrika

Dowladda Nigeria ayaa sheegtay inay qorshaynayso inay ka dalbato...

Saddex qof oo ugu dhintay Magaalada Mexico dabaal degga Koobka Adduunka

Haweeneey 19 jir ah ayaa kamid ah saddex qof...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay xuska 1-da Luuliyo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka...

Ciidanka Qaranka oo soo bandhigay awood ciidan oo kobcaysa

Ciidamada qalabka sida ayaa maanta soo bandhigay awooddooda ciidan...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles