Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi oo ka socda Hay’adda Horumarinta iyo Iskaashiga Switzerland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ballaaran oo ka socday Hay’adda Horumarinta iyo Iskaashiga Switzerland oo ay hoggaaminayso Agaasimaha Guud ee Hay’adda , Danjire Patricia Danzi, kuwaas oo maanta soo gaaray caasimadda Muqdisho.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga dhow ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Switzerland, gaar ahaan dhinacyada maamul wanaagga, dhismaha hay’adaha dowliga ah iyo gargaarka bani’aadannimo, maadaama ay dalka ka jiraan abaaro saameyn ku yeeshay nolosha dadka iyo duunyada.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyay dowladda Switzerland taageerada joogtada ah, gaar ahaan mashaariicda horumarinta dhaqaalaha, isaga oo xusay in doorka Switzerland uu yahay mid muhiim u ah dhismaha hay’adaha dowliga ah iyo isbeddelka cimilada.

Dhankooda Wafdiga oo Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay qaabilaadda, ayaa sii xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay sii wadista taageerada Switzerland iyo ballaarinta mashaariicda horumarineed, si loo xoojiyo iskaashiga muhiimka u ah labada dal.

WARARKII KALE

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles