Maraykanka oo Weerar kale ka Fuliyay Badweynta Baasifigga

Taliska Maraykanka ee SOUTHCOM ayaa xaqiijiyay inay laba qof ku dileen weerar cusub oo ay ka fuliyeen bariga Badweynta Baasifigga.

Taliska ayaa dadka la dilay ku tilmaamay “argagixiso-narco,” balse ma aysan soo bandhigin wax caddeyn ah oo muujinaya in markabkaas uu siday daroogo.

Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee dhimasho keena ee maamulka Trump uu fuliyo sannadkan cusub ee 2026, sida ay sheegtay Airwars.

Khasaaraha guud ee ololahan milatari ayaa hadda gaaray 128 qof, iyadoo la diiwaangeliyay in ka badan 34 weerar tan iyo bishii Sebtembar 2025.

Hay’adaha xuquuqda aadanaha ayaa si kulul u cambaareeyay weerarradan, iyagoo ku tilmaamay kuwo baal-marsan sharciga caalamiga ah iyo xeerarka badda.

Jeneraal Francis L. Donovan oo maanta xilka la wareegay ayaa amray weerarkan, taas oo muujinaysa in Maraykanku sii kordhinayo isticmaalka cududda milatari.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles