Laftagareen: “Cid lagama yeelayo inay ku xadgudubto nabadda Koofur Galbeed”

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koofur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa si adag uga hadlay dagaalkii laba maalmood ka socday magaalada Baydhabo, isagoo mas’uuliyadda ku eedeeyay beelo iyo shaqsiyaad uu sheegay inay diideen dadaalladii nabadeed ee uu muddo sanad ah waday.

Madaxweynaha oo maanta khudbad ka jeediyay masaajid ku yaalla Baydhabo, ayaa sheegay in uusan jirin cid loo oggolaanayo inay ku xadgudubto nabadda, horumarka iyo dowladnimada ka hanaqaadday Koofur Galbeed.

Wuxuu xusay in wixii dhacay ay ahaayeen arrimo muddo laga baaqsanayay, isla markaana uu mar walba ka taxaddarayay in dagaal lagu galo goobaha ay shacabka ku nool yihiin.

“Cid laga yeelayo ma jirto inay ku xadgudubto nabadda, horumarka iyo dowladnimada ka jirta Koonfur Galbeed. Wixii dhacay waa wax muddo aan ka baaqsanaynay, annagoo ka fikiraynay in aan dagaal lagu gelin dadka shacabka ah korkooda,” ayuu yiri Madaxweyne Laftagareen.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa si toos ah u magacaabay beelo uu ku eedeeyay inay door ku lahaayeen burburinta nabadda, isagoo yiri:

“Beelaha loo soo adeegsaday burburinta Koonfur Galbeed ee ay ka midka yihiin Harin, Yaantaar iyo Hadamo waxaan leeyahay toobad keena, aniga madaxweynaha igama qaadi kartaan dowladnimada.”

Laftagareen ayaa intaas ku daray in shaqsiyaad iyo beelo uu sanad dhan la hadlayay ay iska diideen nabadda, taasoo keentay in xaaladdu gaarto heer dagaal.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in maamulka ka go’an tahay sugidda amniga, isla markaana aan loo dulqaadan doonin cid carqaladeysa xasilloonida Baydhabo iyo guud ahaan Koonfur Galbeed.

Hadalka Madaxweynaha ayaa imanaya xilli ay magaalada Baydhabo ay ka dhacwen dagaallo sababay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur soo gaaray guryo iyo hantida shacabka.

Maamulka Koofur Galbeed weli ma shaacin tiro rasmi ah oo khasaare ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles