RW Xamsa oo kulan la qaatay Wasiiru-Dowlaha Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Horumarinta Dowladda Jarmalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa kulan kula yeeshay wafdi uu hoggaaminayo Wasiiru Dowlaha Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Horumarinta ee Dowladda Jarmalka Mudane Niels Annen, iyo Safiirka Jamhuuriyadda Jarmalka Mudane Sebastian Groth, waxa ayna si qotodheer uga wada hadleen danaha ka dhaxeeya labada dal iyo qodobo kale.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa wafdiga uga warbixiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka, oo ay ka mid yihiin abaarta ba’an ee ka jirta dalka, guulaha laga gaaray furimaha dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah, dhaqaajinta howlaha doorashooyinka tooska ah ee goleyaasha deegaanka, dhammaystirka dastuurka, iyo gogosha wadahadal ee ay dowladda u fidisay Golaha Mustaqbalka.

Dhankiisa, Mudane Niels Annen, ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay qaabilaadda diirran iyo xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya labada dal, isaga oo hoosta ka xarriiqay in iskaashiga ku dhisan dano-wanaagga ee labada dowladood ee sii xoogaysanaya.

Ugu dambeyntii, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa xaqiijiyay in Dowladda Soomaaliya ay doorkeeda ka qaadan doonto dadaallada xalka loogu raadinayo nabadda iyo xasiloonida adduunka marka la joogo goleyaasha caalamiga ah, gaar ahaan Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo ay Soomaaliya ka tahay xubin aan joogto ahayn.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles