Jubbaland oo shaacisay khasaaraha ka dhashay dagaal ka dhacay Jamaame

Maamulka Jubbaland ayaa faahfaahin ka bixiyay dagaal culus oo ka dhacay deegaanka Maanbile, oo ku yaalla jiinka Wabiga Jubba, duleedka degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose, kaas oo lagu laayay xubno badan oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Sida lagu sheegay war ka soo baxay Jubbaland, ciidamada Jubbaland oo kaashanaya Ururka 162-aad ee Kumaandooska Danab iyo Ciidamada Nabad-Sugidda Jubbaland ayaa fuliyay weerar qorshaysan oo lagu beegsaday fariisimo iyo godad ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ka qoteen jiinka wabiga.

Dagaalka oo socday ku dhowaad afar saacadood ayaa ku billowday weerar toos ah oo ay ciidamadu ku qaadeen goobaha ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadka. Intii uu socday dagaalka, Al-Shabaab ayaa la sheegay inay sameeyeen iska-caabin xooggan, balse ciidamada huwanta ah ayaa ugu dambeyn gudaha u galay godadkii ay ku jireen.

War-saxaafadeedka Jubbaland ayaa lagu sheegay in dagaalka lagu dilay illaa 70 xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab, halka tiro kale ay ku dhaawacmeen. Sidoo kale, waxaa la tilmaamay in duqeymo cirka ah ay kaalin muuqata ka qaateen jabinta maleeshiyaadka.

Maamulka Jubbaland ayaa ku tilmaamay howlgalka mid guul ah oo muujinaya iskaashi dhab ah oo u dhexeeya Ciidamada Jubbaland, Kumaandooska Danab iyo hay’adaha amniga, iyagoo ballanqaaday sii wadista howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.  

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxaa ka soo baxay Wadahadallada u dhexeeyey Guddoomiye Jaamac iyo Xildhibaanno Mucaaradka

Waxaa soo gabagaboobay wadahadallo u dhexeeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka...

Sheekh Shariif oo Cambaareeyay Howlgalka Yaaqshiid“Boqolaal qoys ayaa la Barakiciyay”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa...

Maxay ka wadahadleen Fiqi iyo Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta...

Aadan Madoobe oo weerarkii Baydhabo kadib kulan la qaatay saraakiisha ciidamada

Hoggaamiyaha Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Kheyre oo si u weeraray Xasan Sheekh Kadib dhacdadii Yaaqshiid

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles