Farmaajo oo Xasan Sheekh ugu baaqay inuu tanaasul la yimaado

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay inuu kulan la yeeshay madaxda Puntland iyo Jubaland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam, uuna kala hadlay xaaladda dalka.

“Kulankaasi waxa uu si gaar ah diiradda u saaray xaaladda siyaasadeed ee dalku ku jiro iyo sida loogu baahan yahay wada-tashi dhab ah oo looga gudbo caqabadaha taagan. Waxaan soo dhaweeyey imaanshaha labada Madaxweyne ee caasimadda Muqdisho, anigoo ku dhiirrigeliyey dadaallada ku aaddan sidii loo gaari lahaa heshiis loo dhan yahay oo dalka looga badbaadin lahaa hubanti la’aan iyo qalalaase amni oo ka dhasha khilaafaadka la xiriira doorashada iyo dastuurka.” Ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay baraha bulshada.

Waxaa kale oo uu yiri “waxaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqayaa in uu la yimaddo tanaasul iyo hoggaamin looga gudbi karo ismari waaga taagan, dalkana looga badbaadin lahaa firaaq dastuuri ah.”

WARARKII KALE

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles