Monday, July 6, 2026

Dil toogasho ah oo lagu fuliyay rag ka tirsanaa AS oo lagu helay dilal iyo Qaraxyo

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa saaka magaalada Muqdisho ku fulisay xukunnadii dilka toogashada ahaa ee horay loogu riday Xasan Cali Iftiin Buule iyo Xasan Cali Ibraahim Maxamed Axmed, kuwaas oo lagu helay dilal iyo qaraxyo ka dhacay caasimadda.

Mas’uuliyiinta maxkamadda ayaa sheegay in raggan lagu helay dambiyo culus oo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray shacabka Soomaaliyeed, waxaana lagu fuliyay xadka qisaasta ah ee ay hore u go’aamisay maxkamaddu.

Fulinta xukunka ayaa ka dhacday fagaaraha toogashada ee Muqdisho, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen saraakiil ciidan iyo masuuliyiin ka tirsan Maxkamadda Ciidamada.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegtay in fulinta xukunkan ay qayb ka tahay dadaallada lagu xaqiijinayo caddaaladda iyo la dagaallanka falalka dilalka iyo qaraxyada ay geystaan kooxaha argagixisada, oo ay ku tilmaantay “Khawaarij,” kuwaas oo ka dhaca caasimadda iyo guud ahaan dalka.

Horey maxkamada ciidamada ayaa xukunno dil ah ku fulisay xubno ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab oo lagu helay dambiyo la xiriira dilal, qaraxyo iyo falal amni darro.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa inta badan qaadda kiisaska la xiriira askarta Ciidamada Qaranka iyo xubnaha ka tirsan kooxaha argagixisada, iyadoo ujeeddadu tahay dardar-gelinta caddaaladda iyo la xisaabtanka dembiyada culus ee khatar ku ah amniga dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 05 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweynaha hirshabelle iyo wafdi uu Hogaaminayo oo gaaray baydhabo

Wafdiga madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe ayaa galabta...

Puntland oo ka digtay in Turkiga ay mashaariic ka fuliyeen deeganadooda

Maamulka Puntland ayaa war uu soo saaray ku caddeeyay...

Wasiir Fiqi iyo Saraakiil ciidan oo tagay Ceeldheer

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi,...

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo si adag u eedeeyay MW Xasan Sheekh

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo ka mid ah siyaasiyiinta...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Madaxtooyada ku qaabilay Taliyaha PSF

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles