DFS oo sheegtay in xubno ka tirsan AS lagu dilay Hiiraan

Ciidanka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garab ka helaya ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda ayaa fiidnimadii caawa hawlgal qorsheysan ka fuliyey inta u dhexeysa deegaannada Yasooman iyo Moqokori ee gobolka Hiiraan, kadib markii la helay xog sirdoon oo muujinaysay dhaqdhaqaaqyo maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.

Hawlgalka ayaa lagu beegsaday koox maleeshiyaad ah oo isku dayeysay inay dhibaato u geysato shacabka iyo gaadiidka maraya waddooyinka deegaanka.

Sida ay sheegeen saraakiil amni, ciidamada ayaa gubay gaari ay maleeshiyaadku adeegsanayeen, waxaana halkaasi lagu dilay afar xubnood oo ka tirsanaa kooxda.

Saraakiisha ciidamada iyo dadka deegaanka ayaa sheegay in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay si joogto ah ugu kala gudbaan dhulka miyiga ah iyo tuulooyinka ku teedsan waddooyinka isku xira Yasooman, Moqokori iyo deegaanada kale ee gobolka Hiiraan.

Saraakiisha milatariga ayaa sheegay in hawlgalladan ay qayb ka yihiin dadaallada lagu sugayo amniga, laguna joojinayo weerarrada ay maleeshiyaadku ku qaadaan dadka safarka ah iyo gaadiidka ganacsiga.

Howlgalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay kordhiyeen cadaadiska ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, si loo xaqiijiyo amniga guud ee gobolka Hiiraan iyo deegaanada ku dhow.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 26 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

RW Xamsa oo u safray Qatar

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

Guddiga Doorashada oo aqbalay go’aanka Maxkamadda Sare ee laashay doorashadii Galmudug

Guddiga lagu muransanyahay ee doorashada ayaa goordhow ku dhawaaqay...

Itoobiya oo badeshay ciidamadeeda ku sugnaa Baydhabo iyo kuwa cusub oo ay geysay Magaalada

Dowladda Itoobiya ayaa la sheegay inay beddeshay dhammaan ciidamadii...

Burburin iyo barakac xooggan oo ka socda Buulo Eelay, Muqdisho oo wajahaysa qax

Burburin iyo barakac ayaa xalay saqdii dhexe ka bilowday...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho kula kulmay Wasiirka UK u qaabilsan Afrika

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Muqdisho kulan kula...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles