Trump oo rajo ka muujiyay wadahadallada Iran

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in Iiraan ay doonayso inay heshiis ka gaarto barnaamijkeeda nukliyeerka.

Hadalkiisa ayaa yimid ka hor wareegii labaad ee wadaxaajoodyada aan tooska ahayn ee u dhexeeya wakiillada Mareykanka iyo Iiraan ee ka dhacaya Geneva, iyadoo ay dhexdhexaadineyso dowladda Khaliijka ee Cumaan.

Isagoo la hadlayay weriyeyaasha xili uu saarnaa diyaaraddiisa Air Force One, Mr Trump waxa uu sheegay inuusan u maleyneynin in maamulka Iiraan ay rabaan inay wajahaan “cawaaqibka ka dhalan kara inaan heshiis la gaarin.”

Dhankeeda, wasaaradda arrimaha dibadda ee Iiraan, (iyada oo loo marayo afhayeenkeeda, Esmaeil Baqaei) ayaa sheegtay in Mareykanka uu u dhaqaaqay dhan “macquul gal ah” oo ku saabsan wadahadallada ku barnaamijka nukliyeerka ee Tehran.

Isla kulankaas uu la yeeshay weriyeyaasha, Mr Trump waxa uu u sheegay inay “dhawaan” go’aan ka gaadhi doono inuu hub dheeraad ah u diro Taiwan.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles