Tuesday, July 7, 2026

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo ka qeyb galay shirka ganacsiga Afrika

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa khudbad muhiim ah ka jeediyay Shirka Ganacsiga Afrika, oo ay ka qeyb galeen madax, ganacsato, iyo daneeyayaal heer gobol iyo heer caalami ah.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa khudbaddiisa ku soo bandhigay horumarka muuqda ee Soomaaliya ay ka sameysay dhinacyada dib-u-habeynta dhaqaalaha, xoojinta hay’adaha dowliga ah, iyo abuurista jawi ku habboon maalgashiga. isaga oo adkeeyay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay dhiirrigalinta ganacsiga, soo jiidashada maalgashiga, iyo xoojinta iskaashiga dhaqaale ee Soomaaliya la leedahay dalalka Afrika iyo caalamka.

Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay leedahay fursado ballaaran oo maalgashi, gaar ahaan dhinacyada Dekadaha, Beeraha, kalluumeysiga, waxa uunna ku booriyay maalgashadayaasha caalamiga ah inay ka faa’iideystaan fursadahaas.

Intii uu shirka socday, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, ayaa kulamo gaar-gaar ah la yeeshay madaxda iyo daneeyayaasha kala duwan, si loo xoojiyo iskaashiga dhaqaale loona dardargeliyo dadaallada lagu horumarinayo maalgashiga iyo ganacsiga Soomaaliya.

WARARKII KALE

 Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 06 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweynaha JFS oo waddo cusub ka dhagax dhigay Baydhabo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

26 qof ayaa ku dhimatay rabshado ka dhacay xabsi ku yaal Sri Lanka

Rabshado ka socday labo maalmood xabsiga Negombo, oo ku...

Madaxweyne Xasan Sheekh”Dadka Soomaaliyeed waxay direen fariin doorasho qof iyo cod ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

MW Xasan Sheekh oo maanta gaaray Baydhabo

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Baydhabo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles