Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo ka qeyb galay shirka ganacsiga Afrika

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa khudbad muhiim ah ka jeediyay Shirka Ganacsiga Afrika, oo ay ka qeyb galeen madax, ganacsato, iyo daneeyayaal heer gobol iyo heer caalami ah.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa khudbaddiisa ku soo bandhigay horumarka muuqda ee Soomaaliya ay ka sameysay dhinacyada dib-u-habeynta dhaqaalaha, xoojinta hay’adaha dowliga ah, iyo abuurista jawi ku habboon maalgashiga. isaga oo adkeeyay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay dhiirrigalinta ganacsiga, soo jiidashada maalgashiga, iyo xoojinta iskaashiga dhaqaale ee Soomaaliya la leedahay dalalka Afrika iyo caalamka.

Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay leedahay fursado ballaaran oo maalgashi, gaar ahaan dhinacyada Dekadaha, Beeraha, kalluumeysiga, waxa uunna ku booriyay maalgashadayaasha caalamiga ah inay ka faa’iideystaan fursadahaas.

Intii uu shirka socday, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, ayaa kulamo gaar-gaar ah la yeeshay madaxda iyo daneeyayaasha kala duwan, si loo xoojiyo iskaashiga dhaqaale loona dardargeliyo dadaallada lagu horumarinayo maalgashiga iyo ganacsiga Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen labada guddoon ee BFS?

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi...

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa Itoobiya oo si nabad ah ku gaaray Ceel-Barde

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa dalka Itoobiya ayaa maanta...

Puntland oo Gaalkacyo ka mamnuucday qaadashada hubka

Wareegtada ayaa lagu xusay in sharciga Nabadgelyada Guud ee...

RW Xamsa oo gaaray Jeddah iyo Sacuudiga oo garab istaag u muujiyay Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa...

Dagaalka Mooyaale oo maalintii afraad galay

Dagaal culus ayaa maalintii afraad oo xiriir ah ka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles