MW Turkiga oo maanta tagaya Itoobiya

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa maanta la filayaa inuu gaaro magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, halkaas oo uu kula kulmi doono Ra’iisul Wasaaraha Abiy Ahmed.

Kulanka labada hoggaamiye ayaa la filayaa inay diiradda saaraan xaaladda Geeska Afrika, amniga gobolka, iyo arrimo siyaasadeed oo xasaasi ah oo ay ku jirto aqoonsiga ay Israel sheegtay inay siisay Somaliland — arrin ay si cad uga soo horjeedaan Turkiga iyo xulafadiisa, iyagoo taageeraya midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Inkasta oo Itoobiya aysan si rasmi ah u caddeyn mowqifkeeda ku aaddan aqoonsiga Somaliland, haddana waxaa jira tuhunno siyaasadeed iyo falanqayn tilmaamaya in Addis Ababa ay ka mid noqon karto dalalka laga shakisan yahay inay mustaqbalka dhow aqoonsan karaan Somaliland.

Booqashada Addis Ababa waxay qeyb ka tahay safar dibadeed oo ballaaran, taas oo ka tarjumaysa dadaallada Ankara ee lagu xoojinayo joogitaankeeda siyaasadeed iyo mid dhaqaale ee Afrika iyo dalalka Khaliijka.

Itoobiya ayaa door muhiim ah kaga jirta siyaasadda Afrika ee Turkey, iyadoo ku taalla meel istiraatiiji ah oo ka mid ah Geeska Afrika. Xiriirka Turkiga iyo Itoobiya ayaa si joogto ah u kobcayay sanadihii la soo dhaafay, iyadoo Itoobiya hadda tahay dalka ugu weyn ee qaata maalgashiga Turkiga ee Afrika, kaas oo kor u dhaafaya $2.5 bilyan, isla markaana soo jiitay tobannaan kun oo shaqooyin ah.

Booqashada Erdoğan ayaa imanaysa xilli Turkigu sii xoojinayo doorkiisa siyaasadeed iyo amni ee Geeska Afrika, halka Itoobiya ay raadineyso inay ballaariso saameynteeda gobolka iyo marinada ganacsiga badda. Kulankan ayaa la filayaa inuu saameyn ku yeesho jihada siyaasadeed ee gobolka iyo doorka dalalka muhiimka ah ee ku lugta leh arrimaha Soomaaliy

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles