Tuesday, February 17, 2026

Wasiir Fiqi iyo masuuliyiin kale oo maanta tagay Shabeellada Hoose

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, oo ay weheliyaan Wasiirka Arrimaha Gudaha,  Cali Yuusuf Cali, iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta gaaray deegaannada Sabiid iyo Caanoole ee Gobolka Shabeellaha Hoose, si dib-u-dejin loogu sameeyo qoysaskii ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ka dumisay guryahoodii, kana barakicisay deegaannadan.

Ujeeddada socdaalka mas’uuliyiinta ayaa ahayd fulinta ballanqaadkii Dowladda ee xasilinta deegaannada laga xoreeyay maleeshiyaadka Al-Shabaab, isla markaana la dardargeliyo howlaha dib-u-soo-kabashada bulshada.

Dadka deegaanka ayaa lagu wareejiyay guryo cusub oo la dhisay kaddib xoreyntii deegaannadan. Sidoo kale, waxaa la gaarsiiyay raashin iyo adeegyo gargaar oo loogu talagalay qoysaska danyarta ah ee ku nool deegaannadaas, si loo xoojiyo nolol-maalmeedka bulshada loona dardargeliyo dib-u-dhiska deegaannada xorta ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Farmaajo oo ku baaqay in Bisha Ramadaan loo gurmado dadka danta yar

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa qoraal...

Sacuudi Carabiya oo ku dhawaaqay in Berri ay tahay Ramadaan

Maxkamadda Sare ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa si rasmi...

Madaxweyne xasan sheekh oo kulan la qaatay xubnaha golaha mustaqbalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

MW Turkiga oo maanta tagaya Itoobiya

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa maanta la filayaa...

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo ka qeyb galay shirka ganacsiga Afrika

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles